Faallo:-Ilmadii Maroodiga!

0

Cabdi yare waxaa uu ka dhashay qoys beeraley ah oo ku noolaa agagaarka Degmada Jilib ee Dalka Soomaliya, waxaa uu ahaa Sugta reerka oo inta badan guriga iyo hareerihiisa ayuu ku ciyaari jiray, gaar ahaanna waxaa uu la ciyaari jiray xeyn Maroodiyaal ah oo meel aan gurigooda u dheereyn ku noolaa, sida caadada ah waxaa jira dareen ruuxi ah oo ilmaha garansiiya ilmaha kale xittaa haddii ay xayawaan yihiin.

Cabdi yare waxaa uu Saaxiib dhow la noqday maroodi yar oo uu isagu ula bixay ’’Dhuxul’’ Subax duhur iyo galabba waa ay isla joogaan, runtiina Wiilku aad buu u jeclaa oo u xiiseyn jiray Maroodiga, isagoo mararka qaar dushiisa fuuli jiray si uu geed mirroodyada u soo goosto, gaar ahaan geedaha uusan gaarin sida cambaha, babaayga Iwm.

Cabdi yare iyo Dhuxul Waxaa ay ku dhowaadeen inay isku luuqad noqdaan sida ay isku fahmayaan awgeed, maroodiga yar ee Dhuxul waxaa uu billaabay in uu marka waaga uu baryo ee bari qoraxdu fag ka soo tiraahdaba inuu isna soo baadi goobo saaxiibkiis Cabdi yare.

Inkastoo ay yihiin kuwo habka Abuurista ku kala duwan haddana Cabdi yare waxaa uu waalidkiis iyo walaalihiis uga sheekeyaa: maanta iyo waxyaabihii dhexmaray isaga iyo Saaxiibkiis Dhuxul,taasoo habeenkii waalidku ay ka dhegeysan jireen,wiilasha la dhashayna ay ku maadeysan jireen.

Subax ka mid ah subaxyada ilaahay, ayaa waxaa meel walba oo Deegaanka ah laga maqlay, dayyaanka madaafiicda Culus, waa dagaalkii bilowgii 90aadkii,waxaa bilowday in reerkii Cabdi yare uu mid waliba meel u cararo,Cabdi yare isagoo yar ayuu arkay dhimashada iyo dhaawacyada dad badan, waxaase wax walba uga sii darnaa Saaxiibkiis Dhuxul,waxaana uu abaaray halkii ay ku kulmi jireen,waxaana uu meeshii ugu tegay Maroodigii ugu da’da weynaa raxanta oo meyd ah iyo firdidigta raadadka intii kale oo u muuqata inay isaga hayaameen Goobtaas, aad ayuu uga welwelay nolosha Saaxiibkiis iyo Sida aysan mar danbe isku arki doonin!

Aabbaha Cabdi yare dhalay oo ahaa nin adag ayaa ku guuleystay siduu dib isugu keeni ilmihiisii, kala yaacay maalmo kadib, ugu danbeyna reerkii ayaa go’aansaday inay u qaxaan dhanka Kenya oo xad la wadaaga Soomaaliya, waxay galeen xero Qaxooti, sanado kadibna waxaa ay dib u dejin ka heleen dalka Mareykanka.

Qiyaastii 20 sano kadib ayaa Cabdi yare oo la socda koox dhalinyaro ah oo arday ah oo Mareykan iyo Soomaali isugu jirta waxaa ay dalxiis u soo aadeen Kenya, gaar ahaan Gobolka Meru oo ay ku taalo meel lagu xannaaneeyo Xayawaanka, goobtaan waxaa lagu magacaabaa Buffalo National Spring, waa meel dalxiisayaasha dunnidu ay ku kulmaan marwalba.

Jawiga meeshan, ma ahan mid la isku halayn karo oo saacadna Roob ayaa da’aya, saacadna qorax kulul ayaa jirta, Cabdi yare iyo Saaxiibadiis waxay socodkooda ka billaabeen meelaha lagu xeyndaabo Libaaxyada iyo Shabeellada, runtii aad ayay ula yaabeen oo xittaa sawiro ayay ka qaateen xeryaha qaarkood, balse Cabdi yare waxaa uu xiiseynayay inuu arko haddiiba ay jiraan goobta Maroodiyaasha lagu xanaaneeyo.

Subaxdii xigtay ayaa nin ka mida shaqaalaha goobtu, waxaa uu ku wargeliyay Dalxiisayaasha inay aadayaan goobta Maroodiyaasha oo masaafo aan dheereyn u jirta, waxaana uu sheegay inay soo diyaar garoobaan oo soo raacaan gaariga Bus-ka ah ee uu wadaha ka yahay, waa ay soo raaceen dhammaantood, waxaana la geeyay goobtii Maroodiyaasha.

Cabdi yare markan dareenkisu waa uu ka duwan yahay sidii hore, waxaa durba uu arkay raxan maroodiyaal ah oo Balli meeshan ah ku dabbaalanaya, waa dhul ciiddiisu ay isugu jirto madoow iyo guduud, maroodiyaasha halkan ku suganna waa illaa shan xabo oo isugu jira Arbayaal iyo Khalanjooyin.

Hadba dhinac ayay ka istaageen Ardaydu, waxayna bilaabeen inay la soo baxaan Kaamerooyinkoodii si ay sawirro badan oo xusuus ah u qaataan, waxayse mar qura maqleen dhawaaq iyo qeylo aad u xooggan iyo maroodi geed qurac ah oo meeshan hoostiisu fag ka soo yiri….Waxaa uu billaabay inuu u soo afar-qaadleeyo dhankii ardayda, waxaa Bundukh dheer la soo orday mid ka mid ah shaqaalaha xerada si uu uga badbaadiyo weerarka maroodiga dalxiisayaasha waayo ceeb ayay ku noqoneysaa shirkadda maamusha dalxiiska haddii waxyeelo ay xayawaanka ku jiraahi gaarsiiyaan dadka u soo dalxiis tegaya balse dhammaantood waa uu soo dhinac maray oo dan kama gelin, waxaana uu soo hor istaagay Cabdi yare…Waxaa uu billaabay inuu dhulka xariiqo! 3 xariiqtin!!! gacantiisana uu kor u taago! isagoo welibana cod qiiro leh raacinaya!!! intaas kuma sii adkeysane waxaa ishiisa ka soo daaday ilmo badan oo aan kala joogsi lahayn!!!

Cabdi yare waxaa uu billaabay inuu shaki iyo isla hadal bilaabo, iyadoo ardaydii ay daawanayaan, maroodigii ayaa Gacantiisa u soo taagay si uu u qabsado markaas ayuu Xusuustay kadibna dusha ayuu saartay, waxaa uu la aaday meel aan ka fogeyn oo dhowr tilaabo u jirta, 3 jeer ayuu la bood booday markale kadibna dhulka ayuu soo dhigay. Cabdi yare ayaa qalbiga iska yiri ”Taloow maroodigani ma saaxiibkey Dhuxul baa?” Waxaa cajiib ahayd in magaca Dhuxul uu maroodiga laftiisu isku yaqaanay islamarkaasina madaxa uu u ruxay isagoo guuxaya, taasoo uu ula jeeday”Haa waa saaxiibkaa Dhuxul oo waqtiga iyo waayuhu idin kala qariyeen” Hadda waxaa maroodigii Dhuxul uu doonayaa inuu saaxiibkiis Cabdi yare uga sheekeeyo wixii uu la kulmay intii ay kala maqnaayeen, waxaana uu yiri:

’’Waxaan u soo baqoolnay halkaan, qoyskii badankiis waa ay geeriyoodeen kadib markii ay na soo weerareen ciidamo Soomaali iyo kenyaatii ah, si ay noo afduubtaan, arintaasna waan ka gilgilanay oo waan diidnay laakiin waa ay nagu shiish barteen, aniga iyo dhowr kale nolosha ayay nagu soo qabteen, waxaa ay na badeen Ciil kii ugu weynaa, lugaha iyo gacmaha ayay katiinad iyo silsilado waaweyn nooga xireen,,waxay naga qaadeen xoriyaddii oo dhan, waxaa kaloo ay sameeyeen in qaar ka mida Khalanjooyinkii qoyska ay ku daraan Arbayaal aysan aqoonin oo meelo kale laga keenay, taas oo aan u arkay xad gudub aad u weyn oo nalagu bahdilay, cimilada meeshan waan ku dhibaatoonnay! Xanuun ayaa nagu dhacay dhan walba ah oo waan isla hadalnaa maalin iyo habeen, hurddadii ayaa naga guurtay oo waan dhibtoonnay ee goorma ayaan laabaneynaa? Dowlad dalkii ma loo dhisay? Haddiise loo dhisay goorma ayay xuquuqdeennii aasaasiga ahayd soo celin doontaa oo ay halkaan innaga kaxeyn doonaan? Waxaan u baahan ahay inaan dib ugu laabanno dalkeennii udgoonaa! Waxaan u baahan ahay in wixii gaboodfal ah ee halkaan ka dhacay dowladdeenu kula xisaabtanto Kenya’’. Sidoo kale Dhuxul ayaa u sheegay Cabdi yare in Qaar kaloo Ugaartii ah la geeyay xero ku taala Gobolka Hawaase ee Ethiopia, kuwaas oo isugu jira Maroodiyaal, Libaaxyo, Nuucyada kala duwan ee Shabeelka, Goronyada iyo Nuucyo badan oo Shimbiro ah, iyadoo dalxiisayaashu ay ku bixiyaan lacago malyuumaad ah booqashada goobtaas.

Ugu danbeystii Dhuxul ayaa yiri’’ Aniga iyo duurjoogtii kale waxaan u baahan ahay gurmad buuxa oo badbaadadeena ah ee gaarsii dowladda Soomaaliya tabashadeena,,soo laabashadaada dambena waxaan kaa sugi doonaa war aan ku faraxno haddii aan nahay Duurjoogtii qaxa ku maqneyd,,waxaan idinka sugi doonaa dhawaaq lagu farxo’’.

Cabdiyare isagoo amakaagsan ayuu intuu gacanta ka dhunkaday afka ka yiri’’ Dhuxuloow warkaada insha alah waan gaarsiin doonaa shacabka iyo dowladdeenna Soomaaliya, waadna soo dulqaadatay ee aniga iga war sug’’.

Dhuxul geedkiisii quraca ahaa ayuu ku laabtay kadibna waa hoos farriistay, isagoo ilmadu ay qoysay shafkiisa, waxaa uu sugayaa farriinta Go’aanka badbaadada iyo gurmad ee lagu soo samata bixin doonno.

W/Q Ustaad Hassan Ali Dhaaley.