Faallo: Turkida yaan lagu taloxumaan

0

Xornimo beenaadkii aan lixdankii qaadannay ka dib, jiha la’aanta iyo jirjirroolennimada siyaasaddeenna arrimo dibadeed, oo wareer badan galisay diblomaasiyadda dunida, dalka hanti, agab, farsamo, warshado, tabbabar ciidan, laylis sargaal IQK noogu deeqay, danba ha ka lahaadee wuxuu aha Ruush, Talyaanina ku xigay, oon keliya uga faa’iidaysannay ciidan cidihii cunay, calankii ciilay, ciiddiina cardhalaray, ee aan aragti bulsheed, aqoon qofeed, ogaal dadeed iyo aqool maamuleed lagu agaasimin. waxay dhashay anagoo dirir ku jirna, in aan Ruush dalka uga saarno 48 saac. Waalli! Qof waxa aad tahay, in uu ogyahay ka sokow, kuu dhisay cududda aad ku faanee, caqli keenaya ma jiro adoo col la dagaalid ku jira isagana cadow ka dhigo. Si walba, Ruush ilaa hadda wuu ku faanaa, in uu noo dhisay ciidankii ugu xoogga badnaa Qaaradda Madow; Afrika. Anagu? Cumar Cartan Qaalib weydiiya.
Sidii burburku noogu dhacay, oo iimaanlaawayaashii garan waayey waxan (maamulka) la wada leedahay dadka wax ka siiya, oo wadaajiya, dawlad aan taageero ka helnay ma jirin, marka laga reebo Carab oo aan Timir ka helnay, balse, tafoxaydnaan iyo qarax laga dhaxlay. Dhanka kale, reer galbeed qamadi lagu soo beego xilliga dalaggu noo soo go’o wax ka baxsan ka ma aannaan helin. Anaguna intaa is dil iyo waxaan wadnay is diid, welina wadnaa.
Dhawr abaar iyo fatahaado webiyo oo dalka dhacay, dalka keli ah, ee haba soo daahee, garab, gacan, gunno, goosaar iyo gacaltooyo wuxuu ahaa Turki, oo runtii eheed dhacdo baddashay dhigaalka sooyaal iyo dhugmada dunidu u leheed Soomaalida; bulsho iyo dawladba. Booqashadii (19 August 2011) sooyaalka saldhigatay, ee uu mudane Rajab Dayib Erdogan ku tagay Muqdisho, xilli ay eheed bahalo galeen iyo magaalo hummaageed, ka darane, ay dhexdeeda iyo dhan walba geeri iyo gaajo taallay. Waxay eheed booqasho walaal kaa weyn, wehel kelinnimo looga baxo, wadiiqo go’doonka looga guuro iyo waa lagu helo wilaayo dawladeed.
Ma galayo faallada wixii Turki noo qabtay, ee deeq, gargaar, dawo, dhisid, dayactir, taageero IQKB ah, ee waxaan abbaaraya ujeedka qormada, ee ah, sida aan ugu sii siqaynno dhabbaha abaaldhaca iyo dhimaal abuurka, oo isa soo taraya sida uu xukunka u qabtay Maxamad Formaajo, oo durbadiiba ay soo boodday, in uu damacsan yahay, in uu hoos u dhigo joogista iyo maalgashiga Turkiga, taas oo ifbaxeeda hadda bannaanka yimid, ifafaalaheeda haddii aan hore loo wada arag ama loo dareemin.
1- Kooxda madax falluuqa qabta ee saddax xagalka sharta (Formaajo, Khayrre iyo Fahad Yaasiin) socdaalkii koowaad, ee uu Formaajo ku tagay Turkiga, oo eheed booqasho rasmi ah, iyada oo soo daahday, Formaajo wuxuu hore u sii watay ilmo beejoqab ah (diblomaasiyad ahaan), oo buuryadu ku taal siyaasad ahaan, oo intii salaan sharafka lagu dhexjiray, Erdogan inta ka yaabay, in uu wiilkii weydiiyey, inta gu’ ee uu jiro, mise, waaba 25jir, weliba intaa af ingiriis ku garan waayey. Maxaa laga la yaabaa, MSBarre ninkaa (Formaajo) 50 jirka ku garashada la’, ayuu asoo labaatan iyo saddax jir ah, diblomaasi ahaan ugu dirtay, mid ka mid ah dawldaaha adduunka ugu tunka iyo taagta weyn dhan walba. Labaatan jir, intuu geed ka booduu talana ka boodaa. Murti baa leh. Kan asoo 50 jir ah, aaba boodboodkiisa laga joogi la’yehee, tolow 20 jirkiisii see ahaa?.
2- Iyagoon ahmiyad weynba hore u siin Turki, sidii ay xukunka u la wareegeen madax falluuqyadu, ayey cadowtooyadii ay qabeen qarsan waayeen, ka dib markii ay soo saareen falaadkii iyo farxumadii lagu yaqaannay, ee fahamka iyo fiirada ka fogeed, faallada iyo falanqayntana ka dheereed. Waxay qoreen, in ay garabtaagan yihiin dawladda dadkeeda qalata ee Sucuudiga, oo fal gurracan ka fulisay dhulka Turkiga, oo xil iyo xukun ka saaran yahay madaxda Erdogaan ugu horreeyo. Ogow, maalintii ay Sucuudi u muujin taageero mudneed, oo danteenna iyo doonisteenna dhaqaale, ganacsi, xoolo dhoofin, xiriir duni iyo lacago ka la wareejin ku jirtay ganafkaa la galiyey, haddaba, hadda oo aysan waxba nooga baahnayn, weliba burcad iyo dambiilayaal yihiin, bilo ka horna markab xooleedna dalkeenna ku soo celiyeen, tarxiilka dadkuna u dheer yahay maxaa noo geeyey? Maxaa arrin Turku dambigeeda baarayo baaqeeda iyo buuqeeda na geliyey?.
3- Taa waxay keentay, in wasiirka arrimaha dibadda Turkiga mudane Mevlüt Çavuşoğlu uu ka baaqdo shirkii ururka Islaamka iyo kooxda Xiriirka Soomaaliya, ee ka dhacay Muqdisho, 27 oktoobar, oo run ahaan ahaa farriin siyaasadeed iyo dhambaal xooggan, oo lagu tusay kooxda fudaydka iyo faqfaqda Xamar la fadhida, in aysan u dhaqmin sidii dawlad, weliba dad la gacan siiyey, haddana la garabtaagan yahay. Waxaa ka horraysay, in Formaajo uusan ka qaybgelin askartii Muqdisho tabbabarku ugu dhammaaday, xarunta Turkigana loogu soo xiray. Ka darane, ay ka maqnaayeen maalintii Jamhuuriyadda Turkiga, oo lagu qabtay danjirtadooda Muqdisho.
4- Intaa loogu ma simine, Madaxweyne Erdogan ayaa xarigga ka jaray 30 oktoobar garoon diyaarsadeedka ugu weyn dunida, oo ay ka soo qaybgaleen madax, masuuliyiin iyo maamuus ka socday dunida dhan, oo ay ugu horreeyeen hoggaamiyayaasha dalalka saaxiibbada la ah Turniga, balse, labadii miiqaneed laga maqnaysiiyey, oo waa lays ka moogaysiiyey, sida looga maagay shirkii Muqdisho.
Hore u ma dhicin, sidaan xiriirka dhow u la yeellanay Turkiga, in shir dalkooda ka dhacay, oo boosba nooga bannaan karo, in aan ka maqnaanno hadda ka hor, oo waxaa caddayn kuugu filan 29 ott 2013 markii uu Erdogan oo RW ahaa, ee uu xarigga ka jarayey tunel tareeneedka dunida dheer, oo uu goobjoog iyo marti ku ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.
Xiriir u baahan, in garaad iyo garasho lagu guddoomo, oo aan sidii hore u dhacday aan keliya gacan togaalayn hoorsi ka horreeyo lagu go’aamin, maxaa yeelay, waa halkii odagu kaga yiri wiilkii ka jiiday qalabkee: HOOYADAA AYAAD KU DHEEREYN! Hadda, kuwani waxba Turki u dhimi maayaane, anaga bulsho iyo dawlad ahaan ayey wax noo dhimayaan naguna dheeraynayaan wax aan is lahayn waad ka soo baxdeen kabsi waa halkeedee. Marka waxaan ku telinayaa, in aqalka sare, madaxda maamullada, aqoonyahanka, odoy dhaqameedyada, ururrada bulshada iyo qaybaha kalaba, ay Turki u hoydaan, kalana hadlaan, in hanfadyada hoggaanka noo haya aannaan ku hiraal iyo hilaad ahayn, ee aan had iyo heer walba higsanayno Turkiga oo aan hilbowadaag nahay. Ar ha noo qabannina walaalayaalow.

BashiirM. Xersi
brdiraac@hotmail.com
https://bilediraac.wordpress.com/