Fal-celintii Dhuxuloow waa u foolxumo beesha Ra’iisul wasaaraha

0

Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow waxaa uu ahaan jiray siyaasi qunyar socod ah, waxaa lagu tilmaami jiray nin masaakiinta caawiya oo naxariis badan, dadka qaarba yiraahda waa ninkii igu sawirta alifay waase yeelkadood, waxaa kaloo uu ahaa nin ka xisaabsan Baarlamaanka oo xukuumado badan afka ciida u daray.

Sanadkaan ma aragtay is badalka Dhuxuloow, ma sidii horaa mise sanadkaa isu badalay mid reerkiisa xisaabsan, oo waligii Mustaf xukuumad in la riddo uma codeynin miyaa ,igu soo celi sheekadda, firdhisadii uu asbuucan ka yiri Baarlamanka ma farsamo xumaa mise waa faro tirsi beeleed oo waliba kaaga darane qolo qaraabadiisa ah ay sii walfisay warkii sidii wiil fariid ah oo falaar ku gamay cadaw, sidaan si dhaanta uma dhaqmi karin miyaa xildhibaan Dhuxuloow.

Ma jiro qof caqi leh oo warkii dhuxuloow ka yiri Baarlamanka shalay u qaatay Dowlad jaceyl, wadaniyad ama xitaa erey siyaasi wax cabiraya, horta muxuu yiri “HA IS DURAAN WASIIRADII HORE “ balo oo isagu soo kama mid aheyn wasiiradii hore, haa ee isbitaalka Deyniile ayaa lagu duray 6 bilood ka hor. Qabyaaladi kululaa baa odey Leelkase ah laga sheegay.

Mustafoow qajil oo wax ka baro dariskaaga iyo dadkii dheesha kaaga horeeyay, horta wali ma aragtay siyaasi Mudulood ah oo Shiikh Shariif ama Xasan Shiikh difaacaya oo dartood dad u weeraray, meel dheer maxaan u aadaa horta C/waaxid Cilmi Goonjeex iyo C/shakuur Cali Mire baaarlamaanka maka baxeen iyagoo Farmaajo amaanaya ama difaacaya maba arage , meeshaas ayaaba Mustafoow marqaati kuugu filan ee kaamiradda iska qari waxaad rabto caloosha ka qabe.

Kheyre waa siyaasi dhowaan gal ah, waxaa uu heystaa waqti uu Soomaalidda ku bari karo waxtarkiisa, nin isku filan ayuu iila egyahay mana aaminsani inuu u baahanyahay dacayad qaraabadiisu Baarlamaanka uga dhex sameeyaan, horta makula tahay in la jeclaan doono nin maantoo dhan ay reerkiisu kuu faaninaayan oo xildhibaankii la islahaa waa ugu roon yahay uu sidaas u hadlay, waxaan xalay la joogay 3 xildhibaan oo leh war Dhuxuloow muxuu ku hadlay, Kheyre dad kama celi kartide dadka haku dirin kursigana ha u ekeysiin kursi beeleed.

Qormadeyddu weerar kuma ahan qoyska Ra’iisul wasaaraha oo anigaba xigto ii ah laakiin is weydii markii aan ina adeerkey kuu amaano ilaa inteed aamini kartaa tayadiisa, markii aan ina adeerkey difaaco jagadda uu hayo ma waxaad u arki doontaa xil dan guud loogu shaqeeyo ,jawaabta waad heshay malaha.

Waxaa ila quman in xildhibaanadda xigtadda u ah Ra’iisul wasaaraha ay wax ka bartaan xildhibaanadii xigtadda u ahaa madaxdii hore ama kuwa seedi Farmaajo xiga , si gaar xildhibaan Dhuxuloow oo kaamiradda ku batay waxaan qabaa inuu qaacido kale raadiyo.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@gmail.com