Falanqayn: Maahsanaata Galmudug iyo Muran galinta Puntland

0

magaalooyinka Hobyo iyo Garacad waxay masaafo ahaan isu jiraan 197 KM, labada magaalo waxay ku dhirirsan yihiin badwaynta Hindiya, waa magaalooyin dhaqaalo ahaan ku tiirsan kaluumaysi iyo xoolo dhaqato,

Hobyo waxay hoos tagtaa maamul gobaleedka Galmudug, Garacadna waxay ka tirsan tahay Puntland,

labadaan magaalo oo masaafo ahaan isku dhaw waxaa laga dhagax dhigay dhismaha Dakado laga hirgalinayo bartamaha Soomaaliya,
waxaa muuqata tartan dhanka horumarka kaabayaasha dhaqaalaha ah oo ka dhexeeya labada maamul,

marka si qoto dheer loo eego masaafada labada magaalo isku jiraan waxaa muuqanaysa in aysan waqti xaadirkaan munaasab ahayn labo dakadood oo sidaa isugu dhaw in laga dhiso gobalka mudug,
ayna lagama maarmaan tahay in midkood la hakiyo,

Dakada Hobyo waxaa dhagax dhigay Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamad Cabdulaahi Farmaajo wuxuuna sheegay in dawlada dhexe ay ka qayb qaadanayso dhismaha dakada Hobyo,
halka dakada Garacad ay tahay qorshe u gaar ah maamulka Puntland,

dakadii ka hirgasha gobolka Mudug waxay u adeegi doontaa bulshada ku nool inta u dhaxaysa Nugaal ilaa Hiiraan, oo hada badeecadu uga soo dagto dakada Boosaaso,

Labada maamul waxaa u dhexeeya farqi aad u wayn marka laga eego dhan bulsho, Ilbaxnimo, midnimo, hiigsi, iyo dadaalba,
maamulka iyo shacabka Puntland waxay ku midaysan yihiin sidii ay uga miro dhalin lahaayeen mowqifkooda ah dhisashada Dakad u adeegta gobolada dhexe ee Soomaaliya,

halka Maamulka Galmudug uu ku kala qaybsan yahay hiigsiga himiladaan quruxda badan, dadka Galmudug dagan waxay kala saari la’yihiin danta guud iyo mida gaarka ah,
khilaaf siyaasadeed oo ka dhaxeeya cadaado iyo dhuusamareeb ayaa hakad loo galiyay dhismaha dakadii halbawlaha u noqon lahayd nolosha bartamaha Soomaaliya,

madaxda Galmudug ma ahan kuwa leh hiigsi fog iyo himilo umadeed, waxaana arintaa xoojinaya fursada ay ku heleen hanashada dakadnimada magaalada Hobyo, taageerada dawlada dhexe oo u balan qaaday in ay u dhisayso dakadaas, iyo Dalalka Chine iyo Turkiga oo ku tartamay dhismaha dakada, iyo waqti fiican oo ay u haysteen in ay ku bilaabaan dhismaha dakada, fursadahaa dahabiga ah waxay ku lumiyeen is qabqabsi iyo dano iyaga ugaar ah,

hada dakadnimada Hobyo muran iyo shaki xoog leh ayaa soo food saaray maadama dakad kale laga ag furay,

sida muuqata shacabka iyo maamulka galmudug uma diyaarsana in ay fursadaa hantaan, halka Maamulka iyo shacabka Puntland ay ka go’an tahay in ay qaataan fursada ay lumiyeen reer Galmudug,

maadaama dunidu ay tartan iyo dagaal ugu jirto helista wadan Afrikaan ah oo marti galiya is waydaarsiga badeecooyinka caalamka, Soomaaliyana ay tahay dalka ugu haboon ee fursadaa ka faa’iidaysan kara waxaa dhici karta in dakadaha Hobyo iyo Garacadba la wada dhiso si ay suuq uga helaan badeecooyinka dalalka Afrika ee aan dakadaha lahayn,

ugu dambayn:

maahsanaanta Galmudug iyo muran galinta Puntland waxay salka ku hayaan xurguf qabyaaladeed oo horay uga dhaxaysay qaar ka mid ah dadka daga deegaanadaas,

muranka dakad dhisashadu waa mid ku cusub dhagaha bulshada, wuxuuna muujinayaa horumar fiican oo lagu talaabsaday, xiliyadii hore waxaan ku tartami jirnay burburinta kaabayaasha dhaqaalaha,

Hobyo iyo Garacad midii ku guulaysata dhisashada dakad ka hirgasha bartamada Soomaaliya waa horumar uu dalkeenu gaaray,

murankaani wuxuu ka mid noqonayaa hawlaha ugu adag ee horyaala dawlada dhexe ee Soomaaliya,

Ma Puntland ayaa lagu qancin doonaa in ay ka tanaasusho dhisashada dakada Garacad?

Ma Galmudug ayaa lagu odhan doonaa ninkii seexdaa sicii dibi dhalay,

mise Dawlada dhexe waxay garta ku goyn doontaa Puntland gar leh Galmudugna gar leh?

qormadaan waxaa saldhig u ah bidhaamin iyo baraarujin, wax boos ah ugama banaana qabiil iyo qabyaalad, waa aragtida shaqsiga ah ee qoraaga.

DHAMAAD

Qalinkii: Shafici Roraye

sha.roraye@hotmail.com
sha.roraye7@gmail.com