Falanqeyn, Juventus vs Monaco, lugta labaad ee wareegga 4-ta CL

0

Juventus ayaa marti qaadi doonta Monaco lugta labaad ee semi-finalka UEFA Champions League.

Lugtii hore kooxda Talyaaniga ah oo Marti aheyd ayaa kusoo badisay 2-0 waxayna taasi ka dhigeysaa Bianconeri in ay heystaan laba gool oo ay difaacdeen, aad ayeyna u adkaan doontaa in la garaaco kulankan. Tani xataa Monaco waxay ka dhigeysaa in ay tahay koox ka mid ah kuwa ugu dhaliska badan goolasha kooxaha Europe.

Wararka kulamadii u dambeeyay

Juventus ayaa aad ugu laab qaboobaatay in ay garab dhac 1-1 ah ka hesho Torino taasoo ay wax yar ugu sii jirsatay u dabbaal degga Scudetto. Daqiiqaddii u dambeysay Gonzalo Higuain ayaa u dhaliyay gool, wuxuuna u badbaadiyay 50-kulan oo aan Gurigeeda lagu garaacin.

AS Monaco ayaan dhib badan la kulmin waxayna Nancy kusoo garaacday 3-0 ciyaartii horyaalka. Waxayna ka sarreeyaan PSG oo hadda ay 3 dhibcood u jiraan. Monaco ayaana uga dhow PSG hanashada horyaalka iyadoo weliba kulan dheeri ahna gacanta kusii heysata. Waxaana taasi ay ka dhigi kartaa in ay qaadaan Ligue 1.

Xiddigaha sida gaarka ah loo daawan doono

Dhanka Juventus, waxaa ay indhuhu wada heyn doonaan weerarka Monaco. Sidii ay sameeyeen lugtii horeba – waxaana kooxda Old Lady, wiilasheeda oo uu ku jiro Giorgio Chiellini ay yihiin difaacyo halis badan, Leonardo Bonucci ayaa sidoo kale ka mid ah difaacyada aadka u dhiba weerarka.

Dhanka Monaco, Kylian Mbappe ayaa doonaya in uu sameeyo soo laabasho xasuus mudan. Wiilkan yar ayaa ka dhinac ciyaari doona Radamel Falcao, Mbappe waxaa uu noqon karaa ninka is beddelka ciyaareed laga sugayo kulankan.

Kulankoodii isugu dambeeyay

Lugtii hore, Juventus ayaa si fudud uga soo gudubtay Monaco iyadoo kusoo garaacday gurigooda. Kooxda Talyaaniga ah waxaa labada goolba usoo dhaliyay Higuain waxaana weerarka Monaco celiyay Gianluigi Buffon oo ay ka horreeyaan Bonucci iyo Chiellini.

SAFAFKA LABADA DHINAC

Safka Juventus: Buffon; Barzagli, Bonucci, Chiellini; Dani Alves, Pjanic, Khedira, Alex Sandro; Mandzukic, Dybala; Higuain

Safka Monaco: Subasic; Dirar, Glik, Jemerson, Sidibe; Silva, Fabinho, Bakayoko, Lemar; Falcao, Mbappe