FALLO: QALBI-DHAGAX WAA ITOOBIYAAN

0

Halkaan waxaan ku qoray aragyidayda ku aadan Soomaali wayn,
Qoomiyada Soomaalida la yiraahdo waa qoomiyad dagta bari afrika, waa qoomiyad wadaagta deegaan dhaqameed iyo dhalyo  abtirsi oo mid ah, qoomiyada Soomaalidu ma wadaagto deegaan siyaasadeed mana lahan hal dal oo mideeya, waxay siyaasad ahaan dagtaa afar dhul dawladeed oo kala ah Soomaaliya, Jabuuti, Kiinya iyo Itoobiya,
Waxaa aragti noocaa ah qaba Proff Maxamad Abdi Gaandi, ka eeg qudbadii Ifiye uu ka jeediyay,

Soomaaliga u dhashay dalka Soomaaliya la yiraahdo iyo Soomaaliga u dhashay Qoomiyada Soomaalida la yiraahdo ayaan lahayn qeexitaano rasmi ah, waana sababta la isugu qaldo labadaas, si aad u kala garato in ay kala madax banaan yihiin eeg Soomaaliga u dhashay Jabuuti waa Jabuutiyaan, Soomaaliga u dhashay Kiinya waa Kiinyaan Soomaaliga u dhashay Itoobiyana waa Itoobiyaan, halka Soomaaliga u dhashay Soomaaliya uu yahay Soomaali,

Qalad ha ii fahmin dhulka inaga maqan wuu inaga maqan yahay mana haysano, sida uu inooga maqan yahay ayaa dadkiisuna inooga maqan yihiin waxayna ku maqan yihiin cida dhulku ku maqan yahay,  maadaama uu dhulkaasi inaga maqan yahay waa in aan ku xisaabtanaa in uu maqan yahay ee aynaan u dhaqmin sidii cid aysan waxba ka maqnayn,

Tusaale hadii qofi kaa lumo amaba cid kale ay kaa wadato, sariirtiisii, iyo gurigiisii ma meel ayay iska oolayaan mise waa lagu sii manaafacaadsanayaa inta laga helayo, wax yaabihii qofkaa ku xeernaa ma waxaa loola dhaqmayaa sidii in uu joogo oo kale mise maqnaanshihiisa la iskuma xayirayo ee horay ayaa looga soconayaa?

Taas macnaheedu ma ahan yaan dhulkaas la doonin ee ha loo daayo cida haysata, waan raadinaynaa waana soo dhacsanaynaa laakiin uma noolaanayno sidii in aan haysano,

Jamhada xoraynta Ogaadeen (ONLF) waa jamhad aan Soomaalinimo u dagaalamin ee  Ogaadeenimo u dagaalanta, waqtiguna hada wuxuu ina baray in ay Itoobiyaanimo u dirirayeen oo ay rabaan in ay talada Itoobiya ka marooqsadaan jahmadii TPLF ee tigreeda, maadaama ay hada noqdeen Xisbi siyaasadeed ka dhisan gudaha dalkaas Itoobiya,

Ogow kama saarayo in ay qoomiyad ahaan Soomaali yihiin, laakiin sida ay iyaguba cadaysteen dal ahaan iyo deegaan ahaan waqti  xaadirkaan waa Itoobiyaan,  ONLFna  hada waa Xisbi siyaasi Itoobiyaan ah,

Dalka Soomaaliya la yiraahdo ee qariiradiisi ay sida todobada u egtahay waa u talo xumo in uu u dabranaado dad iyo deegaan aan u soo socon, sida muuqata Soomaali galbeed xitaa hadii ay Itoobiya ka xoroobaan Soomaaliya kuma soo biirayaan ee waxay noqonayaan dal madax banaan, waana mida aan anigu aadka u taageersanahay, ayna tahay in dalka Soomaaliya uu kala shaqeeyo walaalihiis Soomaali galbeed,

Marka aan meel iska dhigno cunfiga iyo cadiifada ee aan dalkeena ku dhisano xaqiiqo Soomaaliga Jabuutiyaanka ahi waa Ajnabi dalka kale ka yimid waana in uu Dalku gal (Visa) ku soo galaa Soomaaliya, sidaas oo kale Soomaaliga Itoobiyaanka ahi waa Ajnabi waxaana qasab ah in uu dal ku gal ku soo galo Soomaaliya,

Waxaa sidoo kale qalad wayn ah in masiirka siyaasada dalka Soomaaliya uu xaq iyo xuquuq ku yeesho shaqsi u dhashay dal kale oo dunidu u aqoonsan tahay, isagoo ku gambanaya dhalasho qoomiyadeed,
baarlamaanka Soomaaliya kama mid noqon karo qof matalaya NFD, Kilinka Shanaad iyo Jabuuti, sababtuna waa aragtidaas kor ku xusan,

Waxaa jira qayb qoyskayga ka tirsan hadee beeshayda ma ahan ee waa qoyskayga gaarka ah oo deegaan ahaan dagta Kilinka Shanaad ee Itoobiya, dadkaas aniga Shafici ah ila dhashay dhalyo iyo dhiig ahaan waa Itoobiyaan Soomaaliyana waxay ku soo galayaan Dal ku gal (Visa),  sababtoo ah waxay u dhasheen deegaankaas oo ka tirsan dal Itoobiya la yiraahdo, waxay xaq iyo xuquuq deegaan, matalaad siyaasadeed iyo mid muwaadinimo ku leeyihiin dalka Itoobiya, hadii ay ka soo xoroobaan oo ay dal madax banaan noqdaan ama ay Soomaaliya ku soo biiraan xuquuqdoodu way ka soo wareegaysaa Itoobiya,

aragtida noocaa ah marka la is dul taago waa aragti badbaado u ah dhamaan qoomiyada Soomaalida waxayna fududayn doontaa in dadku u noolaadaan si xor ah cabsi galinta iyo xasuuqa joogtada ahina wuu ka joogsan doonaa, masiirkoodana markaas ayay ka tashan doonaan,

qalbi dhagax waa Itoobiyaan waana xaq in dalkiisa loo gacan galiyo maadaama uu isaga dambiyo ka soo galay, wuxuu ku xukun yahay dhamaan Soomaalida Itoobiya, in sidaasi ay sax tahayna waxaa xoojinaya in uu maatay ka tirsan yahay xisbi siyaasadeed Itoobiyaan ah, mustaqbalkana Itoobiya ayuu madax ka noqon doonaa,

Soomaalida qaxday ee dunida ka heshay dhalasho labaad aragtidaani ma saamaynayso, maadaama ay marka hore haysteen dhalasho Soomaali ah iyagoon ka tanaasulina ay qaateen dhalasho labaad, waa labo muwaadinle (Dual citizenship),

FG: Qormadaan waa Aragtida Gaarka ah ee  Qoraaga ku Xusan kamana Turjumayso tan Xogdooonnews

W.Q: Shafici Roraye
Email:
sha.roraye@7gmail.com
sha.roraye@hotmail.com