Fallo: Soomaalida iyo Tigreeydu waa isku dan markaan!

0

Taliskii tigreeygu waa uu dhacay waxaana meesha yimid talis oromo ah,Itoobiyaan badan ayaa nafis iyo neecaw xorriyadeed dareemaya se Itoobiya waligeedba dulmi waa u ina daanweyne , doorkan waxa la duudsiyi doonaa tigreeyga oo loo tirinayo dulmigii ugu dambeeyay iyo iyaga oo aan qaayibi karin in laga sarreeyo kol haddii aanay dulmi arag muddo , waxa kale oo la dulmiyi doonaa soomaalida oo laga ururinayo in ay tigreeyga ku gacansiiyeen dulmiga qoomiyadaha kale oo Cabdi Ilay aad ayuu u hagardaameeyay oromada isaga oo taliska tigreeyga u hiilinaya , waxa kale oo soomaalida lagu qoonsanayaa muranka dhulka iyo xafiiltanka is riixriixa xuduudka.

Waa hubaal oo oromada xukunka qabsatay cadawga u muuqdaa waa soomaali oo marar badan la isku lisay iyo tigreey oo ay dulmi u tirsanayaan haddaba taliskii tigreeyga ee dulmiga geystay dhacye ma jirto colaad ka dhexeysa qoomiyadda soomaalida iyo qoomiyadda togreeyga sidaasi oo ay tahay waxa ay waajahayaan duruuf isku mid ah oo ay tahay in ay dantoodu isku tosho si dhawna u wada shaqeeyaan.
Tigreeygu ma aha dad sida oromada nugul , waa ay ka qab sarreeyaan waxaana ay leeyihiin sooyaal halgan oo waa dad adkeysi leh sidaa awgeed waa qoomiyadda ugu muhiimsan ee dabkooda dab lagu qabsan karo culeysna lagu saari karo taliska cusub waa haddii ay hore u sii socoto siyaasaddii isduudsiga qoomiyadaha Itoobiya oo doorkan oromadu ku doobido inta kale.

Tigreeygu waxa ay aad ula saaxiibeen Cabdi Iley waxa ay se iyaga la ahayd in ay killilka soomaalida la saaxiib yihiin marka killalada Itoobiya la eego haddana waa ay cambaareeyeen waxa uu federaalku Jigjiga ka sameeyay , warar ayaaba sheegaya in ay Ina Ilay ku boorriyeen una ballanqaadeen in ay taliska oromada iska caabbiyaan waxaa se hubaal ah in ay ka caqli badinayaan Cabdi Ilay oo ay dabka iskaga horreysiinayaan , oromada laftoodu arrintaasi ayaa ay ka duulayaan oo waxa ay u arkaan dhirbaaxada ay killilka soomaalida ku dhuftaan in ay tahay mid ay tigreeygana ku dhufteen ; arrintaa waxaaba si cad u sheegay wasiirka warfaafinta ee Oromiya .

Soomaalida la socota isbaddalka ee raba in ay baddalaan Cabdi Ilay waa in ay maanka ku hayaan in Itoobiya aanay si fudud uga gudbeyn isduudsiga haddii la isduudsiyana ay u badan tahay in ay noqdaan qoomiyadda la gumeynayo waxaana godka gumeynta la galaya , sida ay u badan tahay , qoomiyadda tigreeyga markaa waa u doqoniimo haddii ay ogaan waayay in ay tigreeyga degdeg isugu baahan doonaan oo ay danwadaag noqon doonaan.

W/Q: Maxamed Xirsi