Faransiiska iyo Talyaaniga oo isku khilaafsan aragtida soo dhaweynta Muhaajiriinta

0

Dowladaha Talyaaniga iyo Faransiiska ayaa billaabay eedeymo ay warbaahinta isu marinayaan kadib markii dhawaan Talyaanigu uu diiday in Dalkiisa uu ku soo xirto Markab siday dad muhaajiriin ah.

Giuseppe Conte oo ah Raiisul wasaariha dalka Taliyaaniga ayaa si kulul uga jawaabay eedeeyn uga timid madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron,taasi oo ku aadan diidmada Talyaaniga ee soo galootiga.

Madaxweyne Macaron ayaa dhaleeceeyay Taliyaaniga ka dib markii ay diideen in dalkoda uu ku soo xirto Markab siday muhaajiriin laga soo badbaadiyay badda Mediterranean-ka.

Af-hayeen u hadlay madaxwayne Macron ayaa sheegay in go’aanka Taliyaaniga uu yahay mid xushmad darro ah islamarkana qayrul masuulnimo ah.

Balse raiisul wasaaraha dalkaasi Talyaaniga Mr Conte ayaa sheegay in Taliyaaniga uusan aqbali Karin casharo munaafuqnimo oo ka yimid dalal mar waliba door bidi jiray in ay dhabarka u jeediyaan soogalootiga.

Markabkabkani lagu magacaabo Aquarius, ayaa wali ay arrintiisu taagan tahay iyada oo ay jirto in dowladda Spain ay ogolaatay in uu ku soo xirto dekadda magaalada Valencia.

Shaqaalaha markabkani ayaa waxa ay sheegeen in markabkani uusan gali Karin saddex maalmood oo safar ah iyada oo ay dad badan saaran yihiin.

Dowladda Spain ayaa aqbashey in dalkeeda uu ku soo xirto markabkaasi,kumanaan tahriibayaal ah ayaa ku sii qulqulaya Qaaradda Yurub,kuwaasi oo intoodi badan ku dhamaanaya badda Meditraniamka oo isku xirta Afrika iyo Yurub