Faransiiska oo duqeyn ugu Hanjabay Dowladda Suuriya, Sababta ka dambeysa Maxay tahay?

0

Madaxweyne Imaniwel Makron ayaa ku gooddiyay in Duqeeyn xooggan ay ka fulin doonaan Suuriya , haddii la helo caddeymo caqli gal oo tusinaya in Taliska Suuriya uu  u adeegsaday shacabka hubka Kiimikada ah.

Waxa uu ku shegay shirjaraa’id oo uu qabtay in si gaar ah ay u bar til maameedsan doonaan goobaha lagu keeydiyo hubka kiimikada ah ee taliska Suuriya uu gacanta Ku hayo ama laga soo qorsheeyo.

Laakin waxa uu qiray in taliska sirdoonka faransiiska illaa imminka uusan helin caddeeymo Muujinaya in dwoladad Suuriya ay rayidka u isticmaashay Sunta Kiimikada ah.

Waxa uu intaa ku daray in Isticmaalka Hubka kiimikada ah marna aan loo dul qaadan Karin , qasabna ay tahay in jawaab laga bixiyo.

Xukuumadda Suuriya Afhayeen u hadlay ayaa beeniyay in ciidmada dowladda ay adeegsadeen hubaka kiimikada ah , waxa uu sidoo kale beeniyay in ay bar til maameedsadeen shacab.

Waxaa isa soo tarayay eedeeymaha loo jeedinayo xukuumadad dimishiq ee ah in dagaalkeeda ka dhanka ah Mucaaradka ay u adeegsatay shacabka hubka Kiimikada ah oo mamnuuc ay tahay in loo adegsado dagaallada.