Farmaajo: Galmudug & Ahlu-sunna Heshiiska la gaaray waa in ay Ilaaliyaan!

0

Keddib heshiis ay Shalay gelinkii dambe Muqdisho ku kala saxiixdeen Madaxda dowlad Goboleedka Galmudug iyo Ahlu-sunna ayuu madaxweyne Farmaajo labada dhinacba ugu baaqay in heshiiskaas ay ilaaliyaan isla markaana uusan sii jirin dul-duleel dambe.

Madaxda labada maamul iyo dadka deegaanka ayuu madaxweynuhu faray in ay u hoggaansamaan heshiiska isla markaana ay wadajir u dhaqan geliyaan.

“Heshiisku wuxuu ahaa danta dadka Gobollada dhexe, yeysan jirin in mugdi dambe uu soo galo, waxaan idinkugu Baaqayaa madaxdiinna nala fadhisa iyo Shacabka Galmudugba in aad wadajir u ilaashataan heshiiskan, waa kii ay dadka deegaannadiinu wax kula qeybsan lahaayeen dowladaha Federal-ka ka tirsan” ayaa ka mid aheyd hadalka madaxweynuhu uu kula dardaarmay madaxda shalay heshiisay.

Dowladda federal-ka taageeradeeda ayuu sheegay in ay noqon doonto mid joogto ah, isla markaana hadda waxaa si rasmi ah loo dhammeystirayaa dhismaha Galmudug ka baaxad weyn sidii hore.