Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u Safray Dalka Masar

0

Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxay Galabnimada maanta ah Casirka keddib ka Ambabaxeen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Farmaajo iyo xubnaha la socda ayaa waxay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar uga qeyb geli doonaan, shirka Ganacsiga Afrika oo sidoo kale ay soo xaadiri doonaan xubno sar-sare oo madaxda Qaaradda Afrika ah.

Shirka ayaa lagu wadaa in uu Caawa ka furmo halkaas iyadoo uu socon doono sida qorshuhu yahay 7 ilaa 9-ka Bishaan.

Madaxweyneyaasha Wadamada Guinea, Comoros, Ivory coast iyoRwanda ayaa khudbado ka jeedin doona Shirkaas.