Farmaajo iyo Wafdigiisa oo gaaray Boosaaso

0

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas ay gaareen goordhow madaxweynaha iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo Saakay ka ambabaxay magaalada Qardho ee isla gobolkaas.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa magaalada Boosaaso kusoo dhoweeyay dad aad u farabadan, iyadoo Ganacsiga iyo isu socodka Gaadiidka ay maanta badankood yihiin kuwo xiran.

Saakay ayey ka baxeen Qardho oo ay xalay ku hoydeen, waxayna sii mareen deegaanka Carmo, halkaas oo ay uga sii gudbeen Magaalada Boosaaso oo hadda soo dhoweyn ballaaran ay dadka deegaanku ugu sameeyeen.

Ammaanka Boosaaso ayaa loo adkeeyay si xooggan iyadoo ay dadka deegaanka, Laamaha Ammaanka iyo Ciidamo dheeri ah oo dowladda ka socda ay halkaas joogaan Ammaankana la xoojiyay.

Image may contain: 10 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: 7 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: 8 people, shoes

Image may contain: 8 people, people standing