Farmaajo malaha lataliyaal qibrad fiican u leh Arimaha Dibadda!

0

Doorashadii Madaxweyne Farmaajo waxay ahayd Dowlad ay ummadda Soomaaliyeed aad u soo dhaweeyeen markii uu ku guuleysyay doorashadii xilka madaxtinimada dalka bishii 2-aad ee sanadkii tagay ee 2017,dii.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee uu ku tagay Eratariye waa mid muhiim ah, waxayna ka mid tahay talaabooyinka Dowladda dib ugu soo celinayso xiriirkii dibadda ee dalkeenna Soomaaliya ay la lahayd dunida inteeda kale, kaasoo burburay 1991,kii, balse waxaa habooneyd in Madaxweynaha uusan ku deg-degin baaqa ku aaddan sidii cunaqabateynta looga qaadi lahaa dalka Eratariya isagoo eegaya xasaradaha colaadeed ee ka jira waddamada Geeska Afrika, taas beddelkeedana waxaa la gudbooneyd Madaxweyne Farmaajo inuu soo saaro baaq nabadeed iyo sidii Eritrea ula heshiin lahayd Dowladaha deriska la ah sida dalka Jabuuti oo dhulkeeda qeyb ka mid ah Eritrea xoog ku haysato.

Marka ugu dambeyntii Dowladdeena ha yeelato la taliyaal ku ka baaran dega siyaasadaha arrimaha dibadda gaar ahaan Madaxweynaha waa inuu helaa political advisor for Foreign Affairs ee muhiimaddu ma ah in xiriir cusub oo aad la yeelato dal Dunida badankeeda ka godoosan aad ku weyso dal saaxiib dhow iyo walaalba kula ah.

Dowladdeena sharafta leh ha joojiso siyaasadda ku saleysan fudeedka, waana in Madaxda dalka ka fiirsadaan talaabo kasta oo ay qaadayaan inkastoo shacabkeenna ay ku yar tahay waddaniyadda, lagana yaabo adinkoo dadaalaya ay si qalad u fasiraan dadaaladiina, waana inaad qaadataan dhaliishiina.

W/Q: Axmedsadaq Yusuf