Farmaajo oo Gaaray Balanbale iyo Caabudwaaq “Sawirro”

0

Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Balanbale iyo Caabudwaaq oo ka wada tirsan Gobolka Galgaduud, keddib markii uu xalay ku hoyday Guriceel.

Waxay ku hormareen, Balanbale oo ay markii dambena uga sii gudbeen Caabudwaaq, halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmadaas.

Kulan uu la qaatay dadka iyo maamulka Balanbale ayuu ku sheegay Farmaajo in uu aad ugu faraxsanyahay Ammaanka iyo Nabad Gelyada ka jirta Gobolka, wuxuuna dadka Galgaduud uga mahadceliyay sida ay Ammaanka u xaqiijiyeen iyagoo maamulkooda kaashanaya.

Degmada Caabudwaaq ayaa soo dhoweyn diirran waxaa ugu sameeyay maamulka degmadaas iyo dad aad u farabadan oo watay Sawirro Madaxweynaha ah iyo Calanka Soomaaliya.

Dadka degmada Caabudwaaq ayaa waxay u muuqdeen kuwo diyaar garow waqti dheer qaatay ku bixiyay sidii ay madaxweynaha iyo Wafdigiisa ugu marti soori lahaayeen Caabudwaaq.