Farmaajo oo ka qeyb gelaya Shirweynaha Ganacsiga Xorta ah ee dalalka Afrika

0

Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wuxuu ka qeyb gelayaa Shirka Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Africa, kaasoo ka furmaya magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

Madaxda 53 dal oo Afrika ah ayaa lagu wadaa in shirkaas ay ka qeyb galaan, wuxuuna madaxweyne Farmaajo soo saxiixi doonaa Heshisika Ganacsiga Xorta ah ee dalalka Afrika.

Heshiiskaas ayaa noqon doona midka ugu qeyb Caalamka, iyadoo madaxda dalalka Afrika ay isku weydaarsan doonaan Shirkaas inta uu socdo sidii Ganacsi isu furan oo hufan ay u yeelan lahaayeen madaxda dalalka ka qeybgelaya.

Madaxweynaha Nigeria ayaa Warqad kasoo Baxday Xafiiska Madaxtooyada waddankaas ku sheegay in uusan Heshiiskaas dalkiisu qeyb ka noqon doonin.

Mohamadu Buhari ayaa sheegaya in aysan Nigeria ka mid noqon doonin Heshiiska, isla markaana ay ka laabteen go’aankii ay markii hore ugu biireen.