Farmaajo oo la kulmay qoyska gabadhii Ardayada aheyd ee Muqdisho lagu dilay

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la kulmay qoyska gabadhii ardayda aheyd ee maalin ka hor lagu dilay is rasaaseyn dhex martay Ciidamo ka tirsan dowladda.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweynaha uga tacsiyadeeyay qoyska ay ka baxday Gabadha 9-jirka aheyd, isagoo u balan qaaday in cadaaladda la horkeeni doono cid alla cidii ka dambeysay.

Hey’adaha ammaanka dowladda ayaa gacanta ku dhigay illaa afar askari oo lagu eedeeyay inay qeyb ka yihiin dilka gabadhaas.

Afarta askariga ayaa waxaa lagu xiray Laanta dambi baarista dowladda ee CID, iyadoo ay ku socdaan baaritaano.

Wararka ayaa sheegaya in askarta loo xiray is rasaaseynta ay ku geeriyootay Deeqa ayaa waxay ilaalo u yihiin Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Deeqo Daahir ayaa xilliga rasaasta ay haleeshay u socotay gurigeeda, iyadoo saarneyd Gaariga Baska Iskuulka oo marayay agagaarka Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan.

Ciidamada dowladda ayaa rasaas ku fura goobaha ay shacabka ka ag dhow yihiin, waxaana dhacdooyinkan ay noqdeen kuwo soo noq-noqday, sidoo kale waxaa ay Ciidamada si ula kac u toogtaan darawalada bajaajta wada.