Farmaajo oo maanta Kulan Nabadda Gaalkacyo la xiriira la qaadanaya Bulshada Magaaladaas

0

Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulamo la qaadanaya Bulshada Gaalkacyo, wuxuuna kala hadli doonaa sidii loo ilaalin lahaa Xasilloonida magaaladaas oo ka dhexeysa Laba Maamul.

Farmaajo ayaa kulamadiisa ka billaabi doona Odayaasha, Dhallinyarada iyo Ururrada Bulshada, isagoo shalay markii uu gaaray magaaladaas la kulmay madaxda Labada maamul ee magaaladaas.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Galmudug ayaa wuxuu sheegay in Galmudug ay tahay dhul Xasilan marka laga reebo Goobaha ay Al-shabaab ka joogaan, kuwaas oo maamulkiisu ay qorsheynayaan in ay ka saaraan.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa usii gudbi doona magaalooyin ay ka mid yihiin Cadaado, Dhuusamaree iyo Caabudwaaq.