Farmaajo oo muuqaal wanaagsan ka sameeyay Bariga Afrika

0

Kaalinta Soomaaliya ee Bariga Afrika aya u muuqata mid xiiso leh. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo wuxuu muujiyay ugu yaraan in Soomaaliya ay tahay dal aan looga maarmin go’aamada masiiriga ah ee dalalka ku yaala bariga Africa.

Inkastoo Farmaajo lagu dhaliili karo inuusan mudnaan siinin cabashada iyo is faham darada isaga iyo maamul goboleedyada, hadana taasi kama dhigna iney wanaagsan tahay inuu dayaco doorka shariifka ah ee Soomaaliya ku leedahay gobalka Geeska Afrika.

Farmaajo oo mar walba ku cel celiya inuu raadinayo soo celinta sharafkii iyo milgihii ay Soomaaliya ku laheyd aduunka ayaa casbashadii Jabuuti u sarifay xal raadin. Dhowaan Jabuuti waxey muujisay iney ka xuntahay isu soo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Eritrea balse taa badalkeeda waxey Villa Soomaaliya sheegtay iney gacata midig ku xalineyso khilaafka Jabuuti iyo Eritrea oo muran dhuleed uu ka dhaxeeyo.

Safarkii uu wasiirka Arimaha dibbada ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ku tagay Jabuuti si looga wada hadlo xal u helida mandiqada gaar ahaan xurgufta Jabuuti iyo Eritrea wuxuu bilay heybadii Soomaaliya. Jabuuti waxey hada arki kartaa in Soomaaliya aaney cadaw ka raacin.

Gobalka Geeska Afrika wuxuu wajahaya is badalo xoogan waana muhiim in taas ay si dhab ah ula jaan qaado Soomaaliya. Safarkii deg degta ahaa ee uu madaxwene Farmaajo ku tagay Asmara wuxuu fasirayay in aaney macquul aheyn in talaabo la qaado Soomaaliya la’aanteed.

Muddo yar ka hor, dalalka gobalku waxaa ay gaari jireen go’aamo waa weyn iyadoo aan wax tix galin ah laga siinin Soomaaliya oo aduunka kaga taala meel muhiim ah. Bulshada Soomaalidu waxey arrintaan u aragtaa in la aqbalay miisaanka uu dalkeennu lee yahay.

Inkastoo Farmaajo iyo dowladiisu ay qaladaad badan ku kaceen intii ay xafiiska joogeen, hadana waxaa lama huraan ah in lagu bogaadiyo sida ay xil isaga saareen ineysan lumin fursadaha siyaasadeed ee ku xeeran isbdalada ka socda bariga Afrika.

Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah