Farmaajo oo Safar aan la sii Shaacin ku Gaaray Dalka Uganda.

0

Madaxwaynaha JFS Mudane Maxmed Cabdulaahi (Farmaajo) ayaa Booqasho Hal Maalin ah ku gaaray Dalka Uganda Waxaana Xafiiskiisa ku qaabilay Yoweri Kaguta Museveni Madaxwaynaha Uganda, Socdaalka Madaxwaynaha Somalia Uganda ma ahayn mid horay loo sii Shaciyay balse Waxuu  Ajiibay Casuumaad Rasmi ah oo ka Helay Hugaamiyaha Dalka Ciidankiisu kaalinta wayn kaga jiraan Nabad kusoo Dabaalida Somalia.

Kadib soo dhawayn Qurux badan Labada Masuul ayaa Shir ku yeeshay Aqalka looga taliyo Uganda, Farmaajo iyo Museveni ayaa ka wada hadlay arimo Dhowr ah, sida Xoojinta Xariirka Saaxiibnimo ee Labada Dal, Amniga, iyo Dhaqaalaha, Madaxwayanaha Uganda ayaa Farmaajo uga Mahad Celiyay sida uu u soo Ajiibay Casuumidiisa waxuuna Bogaadiyay Hormarada ay Dowladiisu ka gaartay Dhinacyada Amniga, Xasiiloonida Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Dib dhiska Goobaha Danta Guud, Mr Museveni ayaa sidoo kale Farmaajo ku amaanay sida uu u doonayo in Geeska Africa ka baxo kala Qoqobnaanta waxuuna Guul Muhiim ah Tilmaamay Xariirka Iskaashi ee uu la gaaray Wadamada Eratrea iyo Itoobiya taas oo ku tilaamay in Somalia ay tahay Dalka Faaiidada ugu badan ka heli dona Isdhaxgal iyo Wada ganacsiga dhaxmara Dalalka Geeska marka loo Fiirsho Goobta Muhiim ah ee ay ku taalo, Museveni ayaa intaas Hadalkiis raaciyay Uganda ay Xitaa Danaynayso inay ku biirto Iskaashiga iyo isdhaxgalka ay wadaan Farmaajo iyo Saaxiibadiisa Kale ee Geeska Africa.

Ugu danbayntii Madaxwayne Farmaajo ayaa Dhankiisa uga Mahadceliyay Madaxwaynaha Uganda Casuumaadiisa, Waxuu kaloo xusay Doorka ay Aakartiisu kaga jiraan Nabad kuu soo dabaalidda Dalka uu hugaamiyo ee Somalia asagoo Musevane kula taliyay in Dhankiisa ka qayb qaato Helitaan Africa ka baxda Kala qoqobnaanta oo iska Kaashata Dhinacyada Dhaqaalaha iyo Amniga waxuuna Sheegay in arintaas ay bilaabeen asaga iyo Saaxiibadiisa Geeska Africa.