Farmaajo oo shaaciyay Sababta Fashilisay Shirkii Garowe

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa todobaad kadib markii ugu horeysay waxaa ay shaaca ka qaaday sababtii uu ku fashilmay shirkii todobaad uga socday Magalada Garoowe Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ahaa ka qeyb galayaasha ayaa sheegay in shirkaasi uu Ra’iisul Wasaare Kheyre soo jeediyey hindise sharciyeedyo loo baahan yahay in laga hadlo lagana tashado dowlad Goboleedyada.

Hayeeshee Madaxda Dowlad goboleedyada ay iyana keeneen in la dhiso golle aan xilligaan muhiim aheyn,sidoo kalena waxyaabaha la isku qabtay ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka iyo in mudo kororsi la sameeyo.

Shirkii Todobaad uga socday Magalada Garoowe Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa lagu kala tegay,iyada oo aan wax natiijo ah kasoo bixin,waxaana sababta fashilisay ay Madaxda Dowladda iyo dowlad Goboledyada midba midka kale uu ku eedeynayo in uu mas’uul ka ahaa.