Farmaajo oo sheegay in Gaalkacyo looga fadhiyo iney Soomaaliya u hiilliso

0

Madaxweynaha dalka mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray GAALKACYO, waxaana uu halkaas isagoo dadka degamada kula hadlayay sheegay in ay magaaladaas noqon doonto xarunta qaranka u hiillisa.

Gaalkacyo waxay tahay magaalada ugu weyn kuwa Gobollada dhexe ee dalka, wuxuuna sheegay in looga fadhiyo in ay noqoto xarunta midnimada Gobollada dalka oo dhan.

Farmaajo oo Fagaare ku yaalla Gaalkacyo kula hadlayay dadka deegaanka ayaa sheegay in Dowladda ay ka go’antahay in xasillooni iyo midnimo ay ka dhalato halkaas.

Mudug waxay ka mid tahay gobollada uu Safarka madaxweynuhu marayo, wuxuuna horay ugu soo safray Nugaal iyo Bari, isagoo sidoo kale laga sugayo Galgaduud.