Farmaajo oo Shir Caalami ah uga qeyb gelaya Dalka Masar

0

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalinta Jimcaha u safri doona dalka Masar halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Shir Caalami ah.

Farmaajo ayaa laba Bilood ka hor halkaas ku tegay Safar uu ula jeedkiisu ahaa in lasoo celiyo xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Masar, isagoo intii uu halkaas ku sugnaa la kulmay Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha dalkaas.

Shirka uu markan uga qeyb gelayo Sharm El-Sheikh ayaa ah mid ku saabsan Ganacsiga Qaaraddan Afrika, kaasoo ay ka qeyb gelayaan dhowr dal oo Ganacsigoodu uu Horumar Sameynayo.

Shirka Africa 2017 Forum ayaa ka dhici doona magaalada Sharm El-Sheikh 7 illaa 9 December, waxaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ku saabsan Ganacsiga iyo horumarka ka jira Qaaradda Afrika.

Rwanda, Guinea, Comoros iyo Ivory Coast madaxdooda ayaa Khudbado ka jeedin doona Shirka Ganacsiga Afrika.