FARMAAJOW CARUURTAADA KA BILLOW, Haddii 22-sano keddib aad Beddeshay “Qoriga dhig, Qalinka Qaado”

0

Waa qoraal kooban oo kusoo dhacay maan fakaray, waana sheeko xiiso badan oo xasuusin kaaga dhigi doonta Oraahdii Elman Ali Ahmed oo ahaa Nin aad ugu dhaq-dhaqaaqi jiray Xuquuqda Aadanaha oo Soomaaliyeed.

Waxay Oraahdiisu aheyd “Qoriga dhig ,ee Qalinka Qaado” Taasoo Maskax badan oo markaas Colaad Beeleed u Bugtay ku duway in ay noqoto mid cilmiga maanta laga qaato ama Abaal uun looga hayo.

Oraahdaas waxaa kasoo daba baxay Xalay uun 22-sano keddib “Qalinka Dhig, ee Qoraga Qaado” taasoo ka dhigan in dhallinyarada Soomaaliyeed loo celinayo halkii ay ka dhaqaaqday 22-sano ka hor.

Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Fakar Habeen dhalad ah, xalay ku hadlay ayaa mar qura isagoo dhallinyarada ku guubaabinaya la dagaallanka Al-shabaab waxaa uu yiri “Qalinka dhiga, ee Qoraga qaata” taasoo aanuu xataa dhihin walba cilmigiina dalka ku difaaca.

LABA MASKAX OO KALA FAYOOW ELMAN IYO FARMAAJO

Haba yeeshee halkan hoose kasii raac sheekada oo xiiso badan, horudhaca waxaa sameysay Xogdoonnews qoraaga sheekada inteeda kalena wuxuu ku qoranyahay qeybta hoose.

Sheekada: Haddii aad Madaxweyne Farmaajo oraahdii Elman ee aheyd “Qoriga dhig, ee qalinka qaado badeshay” oo xalay la soo shir tagtay inaad ardayda Soomaaliyeed ku dhahdo “ Qalinka dhiga, oo qoriga qaata!!” . Waa oraah aan loo fadhiyin 27 sano kadib, haddiise ay dhacday inaad sidaasi sameyso. Waxaa ku xiran hal shuruud, oo aan mid labaad la socon.

Caruurtaada waxay joogaan Mareykanka, waxaana ay kor u sitaan qalinka, waxaana ka dheereysay inay qori qaataan, mana jirto wax fadli ah oo ay dheer yihiin ardayda Soomaaliyeed ee aad qoriga ugu baaqday. Marka kuwaaga aad soo celiso, oo waliba qoriga u dhiibto ayaa waalidka kale kaa yeeli doonaan sheekada aad Sudan kasoo akhrisatay!!. Waaba haddii reer Sudan kuu sheegeen dhayalkaasiye, laakiin cidi kaama dhageysan doonto “ Kuweyga Mareykanka ha ku raaxeystaan, ee kuwa Soomaalida kale ayaan dab ku shidayaa” BAL ADBA!!?.

Mida kale, ciidanka Soomaaliyeed ee kor u dhaafaya 20,000 ee hubka sida ayaad ku jiheyn la’dahay dagaal ka dhan ah argagixisada, ee ma arday Soomaaliyeed oo tiradooda la qiyaasi karin ayaa dagaal ku hoggaamin kartaa? Jawaabta waa MAYA!!. Marka yeysan sheekada kaa noqon “ Lugtii jeeni dhaaftaa waa jabtaa!”.

W/Qoray: Abdiweli Ibrahim Garyare