COL. KOOFI WAA KUN KA ROONE

0

Waa la kala tagey, boorka ayaa la isku reebey, Hay’adda Socdaalka & Jinsiyaddaha Soomaaliya ma jirto Hay’ad  lala meel dhigi karo, nuurkeeda ayaa baxayo, kalsooni buuxda ayaa lagu qabaa,  maalin kasta oo nool waxay sameynaysaa hore-u-kac lixaad leh, horumarka la arki  karo oo ay Hay’addaasi ku talaabsatey waxaa Abaal  looga hayaa  Haldoorka madaxda ka ah.

Daaacadnimo, karti, aqoon, xilkasnimo, degganaan, aragti dheer iyo hufnaan ayaa astaan u ah Taliyaha gacanta ku hayo maamulka Hay’addaasi,  juhdi iyo dadaal aad u balaaran ayuu  galiyay  sidii uu Waaxdaasi u-gaarsiin lahaa heer caalami, Waa cusub ayaa u baryay Hay’addaasi  tan iyo intii loo ikmaday inuu  madax ka noqday Col. Maxamed Aadan Jimcaale {Koof}i.

Quruxda ku soo jiidanayso, qalabka casriga ah ee loo adeegasanayo shaqo maalmeedka  Hay’addaasi, hawl-wadeenada ku labisan Uniformka shaqada iyo bilicda kale ee loo yeelay xaruntaasi ayaa muwaadin kasta raali galin karta, farxad waxaa kugu abuurayo fir-fircoonida, kartida iyo shaqo jaceylka ka muuqato dadka ka shaqeeya halkaasi, nidaam iyo sharci shaqo oo la wada dhawrayo ayaa ka dhaxeeya shaqaalaha goobtaasi  iyo Madaxdooda.

Dhawrkii bilood ee la soo dhaafay Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Col. Maxamed Aadan Koofi iyo saraakiisha la shaqeysa  waxay si sharaf leh ugu najaxeen inay Hay’adaasi ku balaariyaan dhamaan Maamul Goboleedyada Wadanka oo idil, in si joogto ah looga helo Safaaradha Soomaaliya ee dibadda ka furan  Baasaboorka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Agaasime Koofi iyo kooxdiisu waxay ku guuleysteen in si caddaalad & sinnaan leh loogu adeego shacbiga Soomaaliyeed ee xaraumahooda u imaanayo qaadashada baasaboorka iyo adeegyada kale, in kor loo qaado aqoonta & xirfadda  shaqaalaha Hay’addaasi iyo  in sidii caddow oo kale loola dagaalamo  qofkii  isku dayo inuu laaluush ka qaadato dadka  hay’addaasi adeega u soo doonta.

Marka laga soo tago guusha uu halyeygaasi ka gaarey Gudaha Wadanka ka sakow waxa uu ku aflaxay dhinca Dibadda, halgan dheer wuxuu  u  galay sidii uu caalamka uga dhaa-dhicin lahaa inay aqbalaan Baasaboorka Soomaaliyeeed,  Alle Mahadiis Col. Koofi waxaa  u suura gashay  qaar ka md ah Wadamada adduunka inuu ka gado in Dalalkooda si sharuud la’aan ah loogu tagi karo baasaboorka Soomaaliyeed, waa bilow wanaagsan waana talaabo dhaxal gal ah oo mudan in geesigaasi looga mahad naqo.

Amaan iyo Duco ayuu ummaddiisa ka mudan yahay Taliye koofi oo runtii Hay’addaasi dhulka ka soo qaaday isla markaana  gaarsiiyay heer caalami, waa tusaale nool oo lagu dayan karo, waa nin ka soo dhalaalay shaqadii Lagu aaminay, xaqiiqdii  dalacsiin iyo abaal marin ayuu istaahilaa.