Gaadiidkii Koonfurta Soomaaliya ka imaan jiray oo dib loo fasaxay

0

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar (Camey) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu ka laabtay Go’aan horey uu u soo saaray, taasi oo ku aadaneyd in Deegaanada Puntland aysan soo geli karin Gaadiidka ka yimaada Koonfurta Soomaaliya.

C/xakiin C/laahi Cumar (Camey) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa sheegay Go’aankaas in cabasho badan uu ka yimid, sidaasi darteedna ay ka laabteen Go’aankooda hore.

Wuxuu sheegay Go’aankaas markii hore in ay u qaateen qorshe dhinaca Sugidda Amniga ah iyo in shacabka ay helaan xasilooni waarta.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar (Camey) ayaa ugu dambeyn shacabka ku dhaqan Deegaanada Puntland ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Amniga Deegaanada Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here