Gaas iyo Shariif Xasan oo Itoobiya uga Shiraya Arrin Khatar ku ah Midnimada Soomaaliya

0

Dalka Itoobiya waxaa ku sugan madaxda maamullada Koofur Galbeed iyo Puntland, kuwaas oo la sheegay in ay ka shirayaan arrin halis badan u keeni karta Midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Madaxda labada maamul waxyaabaha ugu waaweyn ee ay ka wadahadlayaan waxaa ka mid ah in aysan la shaqeyn Karin xukuumadda hadda jirta ee Xasan Cali Kheyre.

Qodobbada ay shirka Itoobiya uga wadahadlayaan:-

  • In aysan la shaqeyn Karin xukuumadda hadda jirta, taasoo ay ku eedeeyeen diidmada heshiiskii ay la galeen Xulufada Suciida ee Qatar ka dhanka ahaa
  • Mooshin ka dhan ah Farmaajo oo ay qorsheynayaan
  • In aan dib loogu raacin xoogaa lacago ah oo ay ka heleen Imaaraatka Carabta, si ay xiriirka ugu jaraan Qatar

Qodobbadaas oo dhan ayaa waxay halis badan ku yihiin jiritaanka Midnimada Umadda Soomaaliyeed, waxaana hadda maleegaya in dowladda la burburiyo hoggaamiyeyaasha labada maamul ee Puntland iyo Koofur Galbeed, waa haddii aysan dowladdu ku raacin go’aannadooda.