Gaashaanle Sare Koofi oo kormeeray Xafiiska Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadaha ee Guriceel

0

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dalka Maxamed Aadan Koofi ayaa wuxuu kormeeray Xafiiska Hey’addu ku leedahay degmada Guriceel, wuxuuna kulamo gaar-gaar ah la qaatay Shaqaalaha iyo Qaar ka mid ah bulshada degmadaas.

Kormeerka Agaasimaha ayaa waxaa loogu kuur gelayay sida ay u socdaan howlaha hey’adda ee Gobolka Galgaduud, si gaar ahna Degmada Guriceel.

Gaashaanle Koofi ayaa wuxuu inta lagu jiro Bishaan Janaayo, wuxuu tegay Tiro degmooyin ah, waxaana ka mid ah Xafiisyada hey’adda ee uu Booqday Degmada Beled-xaawo oo uu xafiis Cusub ka dhagax dhigay, Garoowe, Boosaaso, Cadaado, Gaalkacyo iyo Guriceel oo uu hadda ku suganyahay.

Wuxuu aad u ammaanay Hannaanka ay u shaqeynayaan Xafiisyada uu tegay ilaa hadda, isagoo sheegay in Tasiilaad ahaan aysan heysan Agabkii ku fillaa, haddana Shaqadu ay tahay mid aad u heer sarreysa.