Gaashaanle Sare Koofi oo Kormeeray Xarumaha Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadaha ee Boosaaso “Sawirro”

0

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Koofi ayaa wuxuu Maanta Kormeeray xarumaha ay hey’addu ku leedahay Magaalada Boosaaso.

Wuxuu Tegay Gaashaanle Sare Koofi Xarumo dhowr ah oo ku yaalla Boosaaso, sida Fadhiga Dekadda, Kan Garoonka Diyaaradaha iyo Goobta Baasaboorrada lagu Bixiyo.

Goobaha uu tegay Halkan ka arag:-

  • Qeybta socdaalka ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.
  • Xaafiiska Socdaalka ee Dekadda Caalamiga ah ee Boosaaso.
  • Xaafiiska Bixinta Baasaboorada ee degmadda Boosaaso.
  • Dugsiga Tababarka ee HSJ ee Boosaaso.

Ula Jeedka Kormeerkiisa ayaa ahaa sidii uu uga warqabi lahaa halka ay howlaha hey’adda ee Gobolka Bari marayaan iyo sida ay u socoto Shaqada guud ee Xafiiska hey’adda ee Gobolkaas uu u shaqeeyo.