Gabareey Sabab ha unoqon geerida Ninkaaga

0

Telefoonka isaga oo ku hadlayo ayuu ku soo dhawaaday bar koontarool. Wuxuu ku jiray dood dheer iyo fara taagtaag. Ma maqlayo askariga gacanta u haatinaya ee leh naga joog. Wuxuu gaariga u wadaa sidii isaga oo waddo xaafadeed maraya wax dareen ahna ma qabo. Muraayadaha gaarigu waa ay u xiran yihiin oo ma maqli karo dhawaqa digniinta ah ee la siinayo “istaag, istaag, istaag….”.

Askartii markii ay u caal waysay hakinta gaariga, ayuu askari kasta dhufeys galay, beerka ayaa dhulka la wada dhigtay qaarna gidaarada ayey isku aadiyeen. Dadkii waddada marayey ayaa kala cararay ashahaadkana afka ayaa lagu wada qabtay; Ilaahow naga bixi balaayadaan ayaa la leeyahay. Isagu war uma hayo waxa hortiisa iyo hareerariisa ka socdo,

ninku wuxuu iska sii wataa socodkiisa telefoonkana wuu ku haldayaa, wuxuu ku celcelinayaa ” walaaley is daji oo wax hubso” … lagame aqrisanayo. Wuxuu ka war helay xabado daran doori dushiisa uga dhacaya, wuu argagaxay, hore ayuu u sii cararay waxaase hakiyey birta waddada ku go’an. Ma garanayo sababta loo rasaaseynayo, gaarigii ayuu ka dagay.
Nasiib wanaag, askarta badidood ayaa bar garaneysay isaga iyo gaarigiisaba, rasaastiina waa laga joojiyey. walow aan la xaqiijin sababta uu amar diidada u sameeyey.

Gabadha uu la hadlay marka uu shilka la kulmayey ayaa maqlaysay dhawaqa rasaasta, jugta gaarigu uu ku dhacay birta. Waxaa u xigay telefoonka oo ka go’ ay hadii ay soo wacdana aan la qabaney. Baroor iyo ba’ayeysi ayey ku jirtaa meel xaal ku danbeeyeyna kama warheyso.

way ku celcelisay wicitaanka telefoonka cid u jawaabtase ma hesho. markii danbe ayaa mid ka mid ah askartii uu dhulka ka qaaday telefoonkii ninka oo dhacayo. Markii uu qabtay ayey ka horkeentay hebel aaway, ma dhintay xagee jira/a… Askarigii ayaa ugu jawaabay, meeshii aad u dirtay ayuu jiraa, sow janno uma soo dirin….

hadalka gabadha ayaa tuhun galieyey askarigii wuxuuna u qaatay qof is miidaamin rabay oo lala socday dhaqaaqiisa. wuxuu amray in indhaha laga xiro oo xabsi loo dhaadhiciyo.

kala cararkii ayaa sii kordhay, waxaa la joojiey socodka waddadiina labada dhinac ayaa laga xiray. durba waxaa lasyla dhex maray gaari qarxi rabo ayaa halkaas yaala, dib uga laabta… waxaa la keenay qalabka waxyaabaha qarxa lagu baaro, gaarigii waa la furfuray waxna waa laaga waayey.

Askartii ayaa ninka su’aalo ku bilaabay iyagoo oo weydiinaya maxaad u istaagi waysay? ninka gaariga waday isaga laftiisu waxyaabaha dhacay lama filaan ayey ku ahaayeen mana garanayo waxa xiska ka qaaday ilaa uu galay qatartaan.

dadka qaar baa leh waa saqraan cabsan, qaar kale ayaa leh mayee, darawalnimada ayaa ku cusub oo gaari ayuu xajin kari waayey. qofba wixii ay la tahay ayuu ka sheegayaa waase lala wada yaaban yahay waxa uu sameeyey.

Markii danbe ayuu ku yiri askartii walaalayaalow iga raali ahaada, maankaygu ma joogin, xaaska ayaa igu kacsaneyd oo aan dajinayey mana maqlin amarkiina!

Gabdhoow, buuq dhaafi maynee, xaajiga gaariga baarkin geyso dheh inta aadan bilaabin doodaada waaba hadii uu gaari wado ee uu magaalada kaa aaday.

Qore: AbdiNasir Momahed