Galmudug & Ahlu-sunna oo Heshiiskooda maanta lagu dhammeystirayo Villa Soomaaliya

0

Maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa maanta waxay kulan ku qaadan doonaan madaxtooyada Villa Somalia, si ay usoo Afjaraan wadahadlkii dalka Jabuuti ku dhexmaray Labada Maamul Toddobaadkii hore.

Waxyaabaha isugu harsanaa dhanka wadahadalka ayaa galabnimada maanta ah lagu gorfeyn doonaa Aqalka Madaxtooyda iyadoo sidoo kale ay madaxda labada maamul ku ballameen in ay ku kulmaan Dhuusamareeb.

Qaar ka mid ah madaxda sar-sare ee dalka ayaa kulanka maanta goobjoog ka noqon doona, waxayna indhaha ku heyn doonaan waxa uu kusoo dhammaado wadahadalka labada dhinac.

Madaxweynaha, ku xigeenkiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Wasiirrada iyo Xubno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa kulanka xaadiri doona, waxaana dhanka Ahlu-sunna u jooga Madaxweynaha maamulka Gobollada dhexe iyo Guddoomiyaha Guud ee Ahlu-sunna Macallin Maxamuud Shiikh Xasan.

Waxaa la filayaa in ay kulanka maanta kasoo saaraan Warmurtiyeed ugu dambeyntii noqda mid dhaqan gala, ayna labada maamul isugu biiraan.