Galmudug: Go’aan Guracan iyo Garasho Gurran.

0

Xaaladda siyaasadeed ee Maamulka Galmudug oo jah wareersaneed tan iyo todobaadkii ina dhaafay ayaa cirka isku shareertay markii gelinkii dambe ee shalay Gudoonka Maxkamada sare ee Galmudug soo saaray go’aan ah  iney wada saxsanaayeen fadhiyadii Xildhibaanada Baarlamaankaas ee ka dhacay  Cadaado ee Xilalka looga kala qaaday Hogaankii uu lahaa Maamulkaasi kadib markii qaar ka mid ah Xildhibaanada deegaanku siyaabo kala duwan u shaaciyeen in koox waliba xilka qaadis gooni ah samaysay.

Gudoomiyaha Maxkamada Galmudug Yaxye Shiikh Cali oo Saxaafada Cadaado kula hadlay ayaa yiri. “Fadhigii Baarlamaaka Galmudug ee xilka looga qaaday Madaxwayne Axmed Ducaale Geele Xaaf waxa uu  ku dhacay si Aqlabiyad ah waana Ansax” waa uu sii hadloo waxa uu yiri. “Fadhigii Baarlamaaka Galmudug ee xilka looga qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Madaxwayne ku xigeenka Maxamed Xaashi Carabey waxa uu  ku dhacay si Aqlabiyad ah waana Ansax”.

Oraah baa oranaysey “La jiifiyaana bannaan” mid kalena waxay oranaysey. “Hashu maankey gaddee ma masaarey liqday” waa yaabe xaggee wax loo wadaa!! waxaa dad badani la yaabanaa markii  hore hebel xilkii waa laga qaaday hadda waxaa timid dhammaan xilalkii waa laga wada qaaday, waxaan maqli jirey “Haddii Furuq yimaadao Waraaboow fara ka leef waaye” marka runta loo dhabba galo labada kooxood ee Xildhibaanada kala ah oo koox walba goonideed u shaaacisay iney xilka qaadis samaysay mawada saxsanaan karaan,  sababtuna waxa weeye labada jeerba Aqlabiyad mada noqon karaan haddiiba xilka qaadis jirto.

Waxaa igala haboonayd oo dad badani taageeri lahaa oo  haddii si hoose loo eego xaqiiqdii saxda ahayd inuu Gudoomiyuhu yiraahdo “fadhiyadii xubnaha Baarlamaanka Galmudug ee ku astaysnaa taariikh Tood iyo Tood ee sida kala gooni goonida  ah uga dhacay Cadaado waxay ahaayeen Baadil oo midna ma saxsanayn” waxa uu noqon lahaa gudoomiye Maxkamadeed oo karaamaysan, waxa kale oo uu mudnaan yeelan lahaa markii uu labada garab ee is haya mid tageero go’aankoodii midna uu buriyo xilka qaadistoodii,  laakiin hadda go’aankiisa hal dhinac iska daaye hal shakhsina sooma dhowayn, waxa uuna Amuurtii ku idleeyey “Xaafna qaldan Casirna qaldan”.

Maxaa la gudboonaa Yaxye?

Inkastoo uu Magaalada Muqdisho kala socday inta badan  sida ay wax uga socdeen Galmudug (Cadaado) hadana Gudoomiyha Maxkamada Galmudug waxaa la gudboonaa markuu kulamo la qaato Kaaliyaashiisa kadib:-

Inuu  codsado in koox waliba keento wixii cadaymo ah oo ay ku andacoonayaan iyo wadada ay u mareen xilka qaadista ay shaaciyeen iney masuul Hebel Xilkii ka qaadeen, kadibna ay ka baaraaan degaaan waxa saxda ah iyo waxa khalad ah oo ay si fiican u dhugtaan sida ay codaynta dhinacyada kala duwani u dhacday. Maadaama cadaymaha ay  Fiidiyowyo ku jiraan labada dhinac ee is eedaynaya oo mid waliba la soo mutuxan yahay iney xilka ka qaadeen Masuul Hebel, Markaas kadibna Gudoomiyuhu ku dhawaaqo go’aanka Maxkamadda isagoo ay hareeraha ka taagan yihiin kaaliyaashiisa, waana nasiib daro in aaney waxaas oo dhan dhicin

Maxaa xigi kara ama dhici kara?

  1. Waxaa dhici kara ama xigi kara in Galmudug meel dambe oo laga unko la waayo maadaama uu dagaal ba’ani ka dhexeeyo Madaxdii ugu saraysey maamulkaasi oo hadana uu XAAF yiri Maxkamadii uu shalay amray iney shaqdeeda qabsato “Ma Aqoonsani” dhinaca kalena aaney jirin cid ku dhex jirta oo ka damqata dhibaatada Maamulkaas lasoo gudboonaatey.
  2. Waxaa kaloo dhici karta in Galmudug ay aad u bulaasho oo ay hesho madax ka wanaagsan kuwa hadda Maxkamadu sheegtay in aaney cidna xil u hayn oo ay dhacdo Doorasho xalaal ah oo wadada loo xaaro sidii heshiis loola geli lahaa kooxda Dhuusamareeb iyo Guriceel joogta oo Galmudugba ku kacsan.
  3. Tan kale oo dhici karta oo waxaas oo dhan ka bedelan waxa weeye in Hogaamiyaasha hadda la shaaciyey in aaney xil haynin sida Maxkamaddu sheegtay uu miirku u yimaado oo ay ka heshiiyaan wixii dhacay si u xagsadaan boosaskooda maadaaama aaney dad iyo deegaan midna u maqnayn, waana midda haday dhacdo dad badan ka yaabin doonta.

    WQ, Cabdinaasir Xersi Iidle.

    Mail. Naasirx1@gmail.com

    Tel. 00252-615503978.