Galmudug oo fulineysa Ballan ay la galeen Madaxweyne Farmaajo

0

Maamulka Galmudug wuxuu sheegay in deegaannada maamulkiisa xasilintooda marka hore laga billaabayo dib u heshiisiin loo sameynayo dadka deegaannada maamulkaas iyadoo tillaabadaas ay tahay midda ugu horreysa ee uu qaadayo maamulku.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa hadalkan sheegay kadib Markii uu gaaray magaalada Dhuusamareed ee xarunta maamulka Galmudug.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray in la laba u jibbaarayo dadaallada lagu dardar gelinayo Dib u heshiisiinta deegaannada Galmudug.

“Madaxda Galmudug waxaa ka go’an in ay fuliyaan Ballantii uu la galay Madaxweynaha Qaranka, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaan diyaar u nahay in aan Tillaabada ugu horreysa u qaadno dhinaca Dib u heshiisiinta” ayuu Yiri Carrabeey.

Deegaannada Waqooyiga ee Gobolka Galgaduud ayuu Socdaal dhowaan ku tegay Madaxweyne ku xigeenku, isagoo kala soo laabtay deegaannadaas is Afgarad ay soo wada gaareen dadka dib u heshiisiinta loo sameynayo, Isaga iyo Wafdigiisa.