Galmudug oo ka hadashay xiisada ka taagan Gaalkacyo

0

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Puntland ay soo dhoobtay magaalada Gaalkacyo ciidamo aad u farabadan, islamarkaana ay cabsi ka qaban in uu dagaal ka dhaco magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in qal qal amni la geliyay shacabka ku nool magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, islamarkaana ay ka baaqayaan in laga shaqeeyo amniga magaalada iyo sidoo kale midnimada shacabka Gaalkacyo.

Cumar Maxamed Diiriye wasiiru dowladaha arimaha gudaha maamulka Galmudug ayaa sheegay in Puntland ay ciidamo aad u farabadan soo dhoobeen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay hadii Galmudug la soo weeraro in aysan gacmaha laaban doonin oo ay dagaalami doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here