Galmudug oo ku adkeysaneysa hal Go’aan oo ay mar hore gaartay

0

Xildhibaan Cabdi Xasan Cilmi, oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa sheegay in aan dib loo dhigi doonin xilliga doorashada madaxweynaha Galmudug oo 30-ka bishaan hore loogu balamay .

Wuxuu sheegay in marnaba aan mar kale dib loo sii dhigi doonin  doorashada madaxweynaha Maamulka Galmudug , oo lagu wado inay 30-ka bishaan oo muddo Seddex maalin ah ay ka harsan tahay lagu  madalsanaa inay dhacdo .

Hadalkaan wuxuu imaanayaa iyadoo aysan jirin natiijo laga garay wada hada hadal Muqdisho uga furmi lahaa Galmudug iyo Ahlu Sunna oo aan wali furidn  kaasi oo la sheegay in qabsoomidiisa ay hor taagan tahay shuruudo ay wadato Ahlu Sunna .

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre aya xusul diib ugu jira sidii uu meesha laga saari laha is jiid  jiidka iyo labada maamul waxaana uu qorsheynayaa inuu ku qanciyo inay miiska wada xaajoodka xal ku gaaraan isla markaana lasoo af jaro khilaafka lagana fakaro mustaqbalka gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Cadaado ayaa lagu soo waramayaa inay ka socoto qaban qaabada doorashada Madaxweynaha galmudug waxana la si weydiinayaa halka ay xaajadu ku dambeyn doonto .

Xogdoonnews :

Muqdisho Somalia

Xogdoon2015@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here