Fiidnimadii Xalay ayaa waxa lagu dilay Degmada Yaaqshiid Ee Magaalada Muqdisho Ganacsade Caan Ahaa oo si weyn looga yaqaanay Inta Badan Muqdisho.
Marxuumka ayaa dableey Bistoolado ku hubeysan waxay rasaas ku fureen isagoo kasoo baxayey Masjid uu salaad kusoo tukaday kadibna meesha uu ku quur baxay.
Allaha unaxariistee Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cusmaan Tiireey kaasi oo meydkiisa lagu Aasay Saaka Gudaha Muqdisho.
Ciidanka Dawlada ayaa dilka kadib gaaray goobta iyagoo baaritaan ay sameeyeen la sheegin dad ay soo qab qabteen waxaana kooxdii dilka geysatay ay ka carareen meeshaasi.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Ganacsade ama qof wax gal u’ah Bulshada lagu Dilo Magaalada Muqdisho.