Ganacsade lagu dilay Boosaaso Aabihiisna la dhaawacay

0

Koox hubeysan ayaa nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade waxa ay  goor dhow ku dileen Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga maamulka Puntland.

Laba dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in qeybta sare ee jirka ay ka toogteen Marxuum Cabdiqadir Maxamed Saleebaan  oo la sheegay in uu ka mid ahaa Ganacstada Magaalada Boosaaso sidda wanaagsan looga yaqaano.

Kooxda ayaa  sidoo kale dhaawacay Aabihiis Maxamed Saleebaan oo la sheegay in uu la socday xilliga wiilkiisa la dilaayay.

Dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay dhalinyarada dilka geystay in ay goobta ka baxsadeen, ka hor inta aysan halkaasi soo gaarin Ciidamada ammaanka maamulka Puntland.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Boosaaso waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanaayay Ganacsato iyo waliba dad u shaqeeya shirkado si gaar ah loo leeyahay.