Ganacsiga & Isu socodka Gaadiidka oo dib u billowday deegaannada Somaliland

0

Somaliland, waxaa maanta dib u billowday dhaq-dhaqaaqa Gaadiidka iyo sidoo kale Ganacsiga deegaannada Codadka laga dhiibanayay Shalay, waxaana doorashadii Shalay ka dhacday Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay aheyd mid si Nabad ah kusoo dhammaatay.

Ganacsiga iyo dhaq-dhaqaaqa Gaadiidka ayaa ahaa mid la hakiyay inta Doorashadu ay socotay, waxaana Laamaha Ammaanku ay qabanayeen gaadiidka socda, marka laga reebo kan ciidanka iyo kuwa ay ku socdaan Madaxda Maamulkaas ee xilka haya iyo kuwa xilka u tartamaya.

Saakay Aroornimadii ayuu si caadi ah kusoo laabtay isu socodka iyo Ganacsigu, iyadoo Guddiga Doorashadana laga sugayo in ay natiijada ku dhawaaqaan.

Xalaydii hore deegaannada qaar waxaa ka billaabatay tirinta Codadkii lagu kala helay doorashada Somaliland oo u suxul duubeysa in ay ka go’do Somalia Inteeda kale.