Gedo: Ciidamada dowladda oo Toddobaadkan weerar ku qaadaya Fariisimaha Al-shabaab

0

Saraakiisha Meletariga Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegaya in toddobaadkan ay doonayaan in howlgalkii ugu adkaa oo Shabaab dhankooda ay u qaadaan ay fulin doonaan.

Cabdifitaax Maxamed Turbac Taliyaha Ururka 49-aad ee Ciidamaad Xoogga Dalka ayaa sheegay in hadda ay wadaan qorshe weerar oo balllaaran, kaasoo lagu fidinayo guud ahaan degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Gedo.

Al-shabaab ayaa xataa Hoggaamiyaha ugu sarreeya la sheegayaa in uu ku suganyahay Gobolka Gedo, halkaas oo ay isaga iyo ciidamo uu hoggaaminayo Gaareen Horraantii Bishii December ee lasoo dhaafay.

Duqeymo xooggan oo ka dhacay Koofurta Soomaaliya ayaa sababay in Al-shabaab ay u kala jabaan gobollada Bartamaha Soomaaliya iyo Gobollada kale ee Galbeedka iyo Koofurta dhinaca Kenya xigta ah u Cararaan.