Golaha shacabku ma leeyahay awood uu ku laalo xukun maxkamadeed?

0

Iyada oo lagayaabo in ay jiraan dano iska hor imaanaya oo ku saabsan hor istaagga golaha shacabka ee xukunka maxkamadda sare oo ka dhan ah 8; xubnood oo maxkamadda sare amartay in doorashada kuraastooda dib loogu celiyo, ayay haddana u muuqatay in si xamaasad iyo u fiirsasho la’aan ah uu golaha shacabku u diiday xukun ka soo baxay hay’adda garsoorka oo ka madax bannaan laamaha kale ee dowladda sida xeer-dejinta iyo fulinta.

Wax lala yaabo oo gef ku ah dastuurka iyo dowladnimada ayuu ku kacay golaha shacabku, waana suuragal in taas ay sabab u tahay cabsi uu golaha shacabku ka qabo suurtagalnimada soo bixidda xukun ka dhan ah hay’ad ahaan ama si shaqsi ah.

Dacwad aan ahayn mid ciqaabeed Xildhibaanka waa lagu furi karaa, iyada oo aan oggolaansho la weydiisan Golaha Shacabka, sidaas waxaa qaba dastuurka kmg ah ee ay ku dhisan tahay hay’adda xeerdejintu.

Golaha shacabka oo laga sugayo in uu tusaale fiican u noqdo dhaqan gelinta dastuurka iyo furfurnaanta maamulka ayaa  u muuqda mid ku sameynaya dastuurka ishaafalateyn iyo in uu is dhaafiyo qodob kasta oo u dhigan sii aanay jeclayn, taas oo keeni karta in muwaadinku ka shakiyo daahfurnaanta iyo daacadnimada xubnaha golaha shacabaka, hadda waxa muuqata in golaha shacabka u fakarayo sida in uu leeyahay awood aan ku qornayn dastuurka, taas oo u hoggaamin doonta dowladnimada iyo soo kabashada Soomaaliya heer ay hay’adaha ama laamaha dowladdu u dhaqmaan hadba sidii ku soo dhacda.

Golaha shacabka waxa waajib ku ah in uu ixtiraamo xukunka maxkamadda sare oo ka hor imaadkiisu  u baahan yahay in loo maro hab dastuuri ah, iyada oo xamaasadda iyo dhaqanka la jiifiyaana bannaan uu halis gelin karo jiritaanka iyo sharciyadda hay’adda xeerdejinta.

Garsoorku waxa uu kamid yahay 3da; laamood ee hay’adaha dowladdu ka kooban tahay, kuwaas oo kala madaxbannaan, islamarkaana is miisaama.

Qodobka 106aad. Madaxbannaanida Garsoorka

  1. Garsoorku wuxuu ka madax bannaan yahay laamaha Dawladda ee Sharci-dejinta iyo Fulinta markaay gudanayaan xilkooda. Xubnaha garsoorku waxay u hoggaansamayaan oo keliya sharciga.
  2. Garsooraha laguma oogi karo dacwad ciqaab ah ama madani ah oo ka dhalatay fal la xiriira
    gudashada xilkiisa garsoorennimo.
  3. Garsooraha lama baari karo qofnimadiisa ama hoygiisa, haddii aan oggolaansho laga haysan GolahaAdeegga Garsoorka.

Waxa aan maqlay in guddoonka golaha shacabku uu soo daliishaday qodobka  59aad ee dastuurka kmg; kaas oo ka hadlaya sababaha lagu lumin karo xubinnimada Baarlamaanka Federaalka, hayeeshee waxa uu iska indhatiray ayaa ah in xukunku u uusan ku saabsanayn luminta xubinnimada ee ku saabsan yahay xubin kamid ah golaha shacabka oo ku soo baxday si musuqmaasuq ah, iyada oo ay daba-joogaan xubnihii kula tartamay xubinnimada golaha shacabka kuwaas oo si dastuuri ah u maray hannaanka iyo hab-raaca dacwadaha.

Qodobka 59aad; waxa uu quseeyaa xubin si rasmi ah uga tirsan golaha shacabka, balse marka la eego xukunka ka dhanka ah 8da; xubnood ee ka soo baxay maxkamadda sare; xubnahaasi ma aha xildhibaano ee waxa ay wajahayaan dacwad madani ah oo ay ku guuleysan  karaan loogana guuleysna karo

Qodobka 59aad. Sababaha Lagu Lumiyo Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka
(1) Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa:
(a) Xubinta oo Geeriyoota
(b) Xubinta oo ay la soo gudbonaato xaalad xilgudasho la’aaneed oo joogto ah.
(c) Xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana oggolaado.
(d) Ka-maqnaansho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah.
(e) Haddii ay xubintu aqbasho xil Dawladeed aan wasiir ka ahayn
(f) Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, sida ku cad Sharciga.
(2) Haddii xubin ka mid ah Baarlamaanka Federaalka lumiso xubinnimadeeda waxaa baddelaya qofka[1] doorashadii hore ku xigey.
(3) Sharciga doorashada ayaa caddaynaya habraaca loo marayo xulashada xubin- sugaha, waana in lagu
dhaariyo 30 beri gudohood laga bilaabo maalinta xildhibaanka uu beddelayaa.

Gunnaanad:

Hay’adda xeerdejintu waa matoorka laga sugay in uu dhaqaajiyo dowladnimada iyo sarreynta dastuurka, sidaas awgeed waa in uu u qaato mas’uuliyadda si dhab ah, xitaa haddii ay ku adag tahay, ogaadana in uu yahay gole shacab ee uusan ahayn gole Sacab.

Axmed Ciise Guutaale

Dersha Sharciga & Qaanuunka