Golaha Wakiillada Somaliland oo soo saaray Go’aan ka kooban 6 Qodob oo ku Aaddan Xeerkii Baarlamaanka Somalia uu ku mamnuucay DP World

0

Golaha Wakiillada ee Maamulka Somaliland ayaa waxay soo saareen Go’aanno ku aaddan Xeerkii ay soo saareen Aqalka Hoose ee Dowladda Soomaaliya.

Golaha ayaa soo saaray Go’aanno 6 Qodob ka kooban, kuwaas oo isugu jiray Dacwo iyo kuwo lagu Burinayo Hadalkii Baarlamaanka dalka.

Hos ka Aqriso Qodobadda kasoo baxay Baarlamaanka Somaliland.

  1. Golaha Wakiillada Somaliland ayaa cambaareeyay go’aanka uu shalay golaha shacabka ka soo saaray dekadda Berbera.
  2. Golaha wakiillada Somaliland ayaa ayiday maalgeshiga kheyraadka dabiiciga ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha si loo xaqiijo kobac dhaqaale
  3. Golaha waxaa uu taageeray heshiiska maalgeshiga Berbera.
  4. Golaha waxaa uu go’aamiyay in cid walba oo ka qeyb qaadata ama taageerta ama si uun gacan siisa xukuumadda Soomaaliya dhaq-dhaqaayada lidka ku ah jiritaanka iyo madaxbannaanida Somaliland loo aqoonsado cadaw qaran
  5. Golaha wuxuu ururka Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Jaamacadda Caarabta, IGAD ka taageera Horumarka iyo Dimoqoraadiyadda u caddeynayaa in dhaq-dhaaqyada Soomaaliya ka waddo Geeska Afrika kuwa keeni kara xasilooni darro .
  6. Golaha waxaa uu ku baaqay dhammaan muwaadiniinta Somaliland inay si buuxda isu garabtaagaan golayaasha Qaranka iyo ciidamada dalka ilaalinta madaxbannaanida, sharafta iyo midnimada dad ahaaneed iyo dhul ahaaneed ee Somaliland.