Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Qorshaha Amniga 5-ta Sano ee soo socota

0

Kulanka Golaha Wasiirada ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga hadleen Arrimo badan oo ay ka mid yihiin Amniga, Dib u heshiisiintii ay gaareen Maamulka Galmudug iyo Ahlu suna, shirarkii ku qabsoomay magaalada Muqdisho iyo warbixino laga dhageystay Wasiirrada qaarkood.

Kulanka Wasiirrada waxaa guddoomiyay Mudane Xasan Cali Kheyre wasiirka koobaad ee xukuumadda, waxaana kale oo lagu Ansixiyay Qorshaha Amniga Qaranka ee shanta sano ee soo socoto.

Qorshaha oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Amniga, ayey Golaha Wasiirradu Ansixiyeen iyagoo u riyaaqay sida ay Wasaaraddu uga soo fakartay.

Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay Wasiiru Dowlaha Amniga iyo Wasiir ku-xigeemka C/naasir,waxayna diirada saareen muhiimadda ay leedahay Qorshaha istiraatijiyada Amniga Gudaha ee 2017 ilaa iyo 2022-ka.

Waxayna goobta ka sheegeen in Wasaaraddu u diyaar Garowday in Shanta sano ee soo socota uu Ammaanka dalku noqdo mid la isku Halleyn karo.