Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo kulan deg-deg ah ka yeeshay Doorashada Somaliland & Miisaaniyadda 2018-ka

0

Kulan waqtigiisa kasoo hormaray oo aan Caadi aheyn ayey golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ku yeesheen Muqdisho, waxaana kulankaas waxyaabihii looga hadlay ugu waaweynaa Arrimaha Doorashada Somaliland oo aad loo Bogaadiyay iyo Miisaaniyadda 2018-ka.

Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa lagu wargeliyay in ay soo xaadiraan iyadoo aan la gaarin waqtiga caadiga ah ee kulankoodu uu qabsami jiray oo Khamiista ah, waxaana kulankaas aad loogu Bogaadiyay sida Nabadgelyada ah ee ay ku Qabsoontay Doorashadii Madaxtinimo ee Isniinta ka dhacday magaalooyinka Somaliland.

Waxaa sidoo kale golaha Wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ay Ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee 2018-ka, iyadoo ay sababtay in taas lasoo hormariyo in Baarlamaanku ay Fasax geli karaan Bilaha 2-da ah ee soo socda kaasoo ka billaaban doona 20-ka Bishaan.

Fasaxa Golaha Shacabka ayaa saameyn ku yeelan lahaa Arrinta Miisaaniyadda, haddii aan waqti ka horreeya xilliga Fasaxa la Ansixin Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2018-ka oo hadda ay ka harsanyihiin 1 Bil iyo Bar Kaliya.