Goormee lagu dhawaaqayaa Xubnaha Golaha Wasiirrada Hirshabeelle?

0

Jowhar waxaaa ka socota qaban qaabada loogu diyaar garoobayo in lagu soo magacaabo Golaha wasiirrada ee Maamulka Hirshabeelle.

Maxamed Cabdi Waare madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa laga sugayaa in uu soo magacaabo Gole Wasiiro oo tayo leh, isla markaana wax ka qaban kara Baahiyaha, Aminga, Horumarka iyo Nabadgelyada Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Xildhibaannada Baarlamaanka maamulkaas ayaa madaxweynaha oo lagu doortay Jowhar 16-kii September waxay siiyeen waqti dheeri ah, markii uu ka dalbaday waqti kordhin si uu usoo magacaabo Golihiisa Wasiirrada.

Warar ay heshay Xogdoonnews ayaa muujinaya in Golaha Wasiirrada ee Maamulka Hirshabeelle ay ka koobnaan doonaan 54 xubnood oo Wasiirro, Ku xigeenno iyo Wasiiru Dowleyaal ah, kuwaas oo marka uu soo dhiso uu horgeyn doono Xildhibaannada si ay kalsoonida u siiyaan ama wax kasoo beddel dib loogu celiyo madaxweynaha.

Ugu dambeyn ilaa maanta Galabnimada ayaa laga sugayaa madaxweyne Waare in uu kusoo magacaabo xubnaha Golaha Wasiirrada ee Maamulkiisa.