Gorfayn: Farmaajow meeshad nin ka qaaday Nin baad Dhigtay

0

Gorfayn siyaasadeed oo aan lahayn aqoon, maskax iyo run, gorfayn ma aha ee fadhi ku dirir baa la yidhaahdaa, waana waxa Soomaali halkaa dhigay. Farmaajo tallaabadii uu qaaday ee Asmara laba jeerba waa ay ceebaysan tahay. Waa mar ee in uu waxa Xabashidu samaysaba ka daba sameeyaa madaxbannaani iyo milge dawladeed ma aha; haddii uu Ereteriya tagayo wax ay ahayd in uu ku tago talo iyo qorshe la ga baaraandegay oo dhisaysa danaha Soomaalida. Waa marka labaad ee, waxaa la yidhi meesha aad nin ka qaadanayso nin baad ka ga tagaysaaye, Farmaajo wax ay ahayd in uu hubiyo dhaqaaqiisu in aanu dhaawacayn xidhiidhka wanaagsan ee uu la lee yahay qaran u ga mihiimsan ka uu u hiilinayo; Jabbuuti baa kun jeer u ga muhiimsan Erateriya taariikh ahaan iyo waaqic ahaanba.

Farmaajo isaga oo maslaxadda qarankiisa ka duulaya wax ay ahayd in uu tixgeliyo xidhiidhka muhiimka ah ee Jabbuuti iyo dhanka kale khilaafka Jabbuuti iyo Erateriya, wax uuna ciyaari kari lahaa siyaasad uu wax badan ku kasbado oo ah dhexdhexaadinta labada dal, halka uu imika Erateriya raacay. Run ahaantii wax uu u ekaaday eey yar oo laf Xabashidu bohol u gu tuurtay daba orday.

Iyada oo ay sidaa tahay kuwa siyaasadda Farmaajo is ka waalli raacsani durba wax ay cay iyo ceebayn u miisayaan Jabbuuti oo aan waxba geysan ee ka cabatay sida badawnimada ah ee Farmaajo maslaxaddeedii u jiidhay. Waar hooya, masuulkaaga la ma daba ordo uun ee gefkiisa waa loo sheegaa. Shalay wax aad na lahaydeen Imaaraadku waa cadawga Soomaaliya maantana sidii u gu foolxumayd baad u gu adeegaysaan, oo saaxiibkii keli ahaa ee aad dunida ku lahaydeen u la colloobaysaan, waa Jabbuutiye!