Grace Machel: “Dalalka ugu badan ee lagu dhibaateeyo Carruurta waa Nigeria, Somalia & Cameroon”.

0

Maqaal dheer oo ay qortay Haweeneyda Carmaladda ah ee Graça Machel waxa ay uga sheekeesay dhibaatooyinka Qaaradda Afrika loogu geysto Carruurta iyo Dumarka & dhinacyada ugu badan ee ku lugta leh.

Waxa ay cadaalad darro ku tilmaamtay in xadgudubka ka dhanka ah Carruurta & Haweenka ku nool Qaaradda Afrika maadaama ay sii kordhayaan sanadba sanadka ka dambeeya sida ay ku xustay maqaalkeeda.

Grace oo ah Haweeney usoo dhaxday Madaxweynihii hore ee Mozambique Samora Machel & Madaxweynihii la dagaalamay midab kala sooca ee Koofur Afrika Nelson Mandela ayaa shaacisay in ku dhawaad 30-sano ay ku howlaneen wax ka qabashada dhibaatooyinkaan.

Rabshadaha ka jira waddamada Afrika ayay dusha ka saartay sababta ugu weyn ee ka dambeysa in la kufsado Dumarka, la dilo Carruurta oo xitaa la askareeyo si loogu adeegsado dagaallada ka dhacay dalalka Qaaradda Afrika.

“Dhibaatooyinka ugu weyn waxa ay ka jiraan Dalalka dagaallada ka socdaan sida Nigeria, Somalia & Cameroon, carruurta ayaa la askareeyaa si ay qayb uga noqdaan rabshadaha iyo colaadaha halka dumarka la kufsado” ayay tiri Grace Machel.

Grace Machel ayaa intaas ku dartay dagaallada ay wadaan Boko Haram oo Nigeria ah, Al-Shabaab oo Soomaaliya ah iyo Gooni isu taagga Cameroon oo u xarbinaya sidii ay uga go’I lahaayeen dalkaas.

Haweeneydaan waxa ay maqaalkeeda ay ku qortay The Guardian ku muujisay in aan laga maarmin xal u raadinta badbaadinta malaayiinta carruur ah ee kunool Qaaradda Afrika oo xitaa kuwa ka badqaba dagaallada ay wajahaan dhibaatooyin nololeed.

Mustaqbal