Guddiga Doorashada Hirshabeelle oo lagu heysto halka ay ka bixiyeen $80.000-doolar

0

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa ku waramaya in Guddiga Doorashada madaxweynaha Hirshabeelle lagu eedeeyay iney ku takri faleen dhaqaalihii ka soo xerooday musharaxiintii u tartamaysay doorashada Madaxweynaha HIrshabelle ee dhacday 16kii bishan September.

Dhaqaale gaaraya $80.000(Siddeetan kun oo dollar) ayaa ka soo xerootay siddeed musharax oo isu soo taagtay doorashaa Madaxweynaha Hirshabelle iyadoo musharax walba uu bixiyay toban kun oo dollar,hase yeeshee lacagtaa ayaan la ogeyn halka ay ku dambeysay.

Wararka qaar ayaa sheegaya  in guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabelle oo ka  koobnaa sagaal xubnood ay ahaayeen rag awood weyn ku leh  gudaha baarlamaanka Hirshabelle.

“Guddiga doorashada Hirshabelle waxaa markii horeba lagu soo xulay inay yihiin raggii ugu awooda badnaa ee hor boodayay mooshinkii laga keenay Madaxweynihii hore Cali Cabdulaahi Cosoble mana jirto cid ka daba hadli karta.”ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle.

Xildhibaanada ayaa la yaaban halka laga bixiyay lacagta laga soo uruuriyay Doorashada,waxaana la sheegay in Mas’uuliyiintii qaabilsanaa Doorashada ee Hirshabeelle ay soo aadeen Muqdisho kuwaasi oo hadda degan Hotelada ugu qaalisan Muqdisho.

Doorashada ka dhacay magaalada Jowhar ayaa lagu doortay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare,kaasi oo hadda guda galay howlihiisa shaqo inkastoo wali la caleema saarin.