Guddiga Amniga ee Golaha shacabka oo Muqdisho kula kulmay Wasiirka Amniga

0

Guddiga Amniga ee Golaha Shacabka ayaa waxa ay magaalada Muqdisho kula kulmeen Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle).

Ujeedada kulanka ayaa wuxuu ahaa in Guddiga Golaha Shacabka u qaabilsan arrimaha amniga ay su’aalo weydiiyaan Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Ciidanka Booliska, kaas oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulan ayaa waxaa ka qeyb galay xubnaha Guddiga iyo Wasiirka Amniga Gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska General C/xakiim Daahir Saciid Saacid iyo saraakiil kale oo laamaha amniga ka tirsan.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/Kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa sheegay in Guddiga amniga u qaabilsan Golaha Shacabka u yeereen Wasiirka iyo Taliyaha Booliska si wax looga weydiiyo amniga ammaanka dalka quseeya gaar ahaan magaalada Muqdisho.