Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Muqdisho kusoo wajahan & Sababta Safarkiisa

0

Xubno ka kooban Baarlamaanka Jabuuti iyo Mas’uuliyiin kale oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalkaas ayaa maanta soo gaaraya Magaalada Muqdisho sida uu qorshahoodu yahay.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Muqdisho waxaa ka socda, qaban qaabada munaasabad lagu soo dhoweynayo xubnahaas, waxaana garoonka sii gaaray xubno sar-sare oo Dowladda ka tirsan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in dhammaan Xildhibaanada iyo Guddoonka ay ka qeyb qaadanayaan soo dhaweynta wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti.

Jawaari ayaa sidoo kale sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti uu Sabtiga Khudbad u jeedin doono Mudaneyaasha Golaha Shacabka Soomaaliyeed.