Guddoomiye Aadan Madoobe oo dalka dib ugu soo laabtay.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay muddo 15 cisho ah oo uu ku kala bixinaayay qaar ka mid ah wadamada Qaarada Yurub.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha  Aadan Cabdulle Cusmaan (Adan Adde) waxaana qeyb ka ahaa xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo qaar ka mid ah bulshada qeybaheeda kala duwan.

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa loo gudbiyay hoolka nasiinada ee Garoonksa, isaga oo uga mahadceliyay Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Wasiirrada Xukuumadda ka soo qeyb galay soo dhaweyntiisa.

Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa warbixin u jeedka safarka , isaga oo sheegay in uu ku maqnaa safar shaqo oo uu ku tagay qaar ka mid ah waddamo ku yaala Qaaradda Yurub, sidoo kale waxa uu sheegay in dhawaan Golaha uu furmi doona kalfadhigiisa labaad balse ay dib ka soo sheegi doonaan goorta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa 9-kii October ee sanadkaan galay safarkiisii afaraad oo ahaa kii ugu muddada dheeraa uu galo tan iyo doorashadiisa ee Afhayeenka Golaha.