Guddoomiye ku xigeenkda Heliwaa oo Qarax ka badbaaday

0

Guddoomiye ku xigeenka Degmada Heliwaa ayaa qarax ka badbaaday, xilli uu marayay Agagaarka Shineemo Cabdi Waayeel oo degmadaas ku taalla.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa lala Beegsaday Gaari uu watay Guddoomiye ku xigeenka Heliwaa Abshir Kaaraan, waxaana wararku sheegayaan in aysan Qaraxaas waxyeello badan ka dhalan.

Inta la xaqiijiyay 1 qof oo dadka deegaanka ah ayaa ku dhaawacmay Qaraxa, waxaana uu dhacay markii uu ka gudbay Gaariga uu watay Abshir Kaaraan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ilaalada Guddoomiye ku xigeenku ay Rasaas rideen in kastoo aysan cidna wax ku noqon.